3903 Views

Kalsoonida Shacabka Soomaaliyed ku qabaan Dowlada Federaalka oo aad u hooseysa

Kalsoonida Shacabka Soomaaliyed ku qabaan Dowlada Federaalka oo aad u hooseysa
____________________________________________________________________________

Wax ka xun maleh dowlad fashilantay islamarkaana aan kalsooni ka haysan shacabkeeda oo mar kale ku soo noqota xukunka dalka, iyada oo sida ay tahayna la addegsanaayo hanaan doorasho oo ku saleysan Laalush iyo Musuq-maasuq.

Waxaa jira warbixino badan oo muujinaya inay aad u hooseyso kalsoonida ay shacabka Soomaaliyed ku qabaan dowlada Federaalka. Waxaan ka soo qaatay oo kaliya wareysi uu todobaadkaan bixiyay Prof. Cabdi Imaaciil Samatar iyo Warbixin uu horey usoo saaray bishii September ee sanadkaan Maxamed Dudishe.

Prof. Cabdi Ismaaciil Samatar oo hanaanka ay ku socoto doorshada Soomaaliya ku tilmaamay Mid rajo beel ah.

Prof. Samatar “Xaaraan baa socota waxaan Ilaahay ka baryayaa in xaaraanta uu xaalal ugu badelo ummadda Soomaaliyed”. Jidka lagu socdo ma fiicna laakin Ilaahay deeqdisa kama quusanayno ayuu hadalkiisa sii raaciyay Prof. Samatar. Wuxuu kalo sheegay in sadexdii bilood uu hal mar wadanka tago oo uu mar walba waresyto 67 qof oo ka mid ah shacabka Soomaaliyed oo kala degan gobolada dalka oo dhan, xog ururintaas oo uu bilaabay sanadkii 2012-ka una waday ilaa bishii August ee 2016-ka.

Prof. Samatar wuxuu wareysiga ku sheegay inuu shacabka Soomaaliyeed weydiiyo 40 su’aalod oo ay ka mid yihiin Madaxweynaha ka warama? dowlada sidee u aragtaan? Dhaqaalaha dalka siduu yahay? iyo su’aaalo kale oo badan. Wuxuu sheegay sanadkii 2012-ka dadka Soomaaliyed rajo ayey qabeen oo 80% waxaa ay ku jawaabeen inay dowlada ka rajeynayaan in ay wax badan qaban doonto. (Kalso0nida loo hayay dowlada Federaalka waa ay sareysay sanadkii 2012-ka). 

Bishii August ee 2016-ka dadkii uu Prof. Samatar wareystay oo tiradoodu mar walba ahayd 67 qofood oo Muwadiniin Soomaaliyed ah 4 qof oo kaliya ayaa sheegay in dowladu waxa fiican qabatay, halka 63 ka mid 67-dii qofood oo uu Professor-ku wareystay ay shegeen kuna jawaabeen in dowladu aysan shaqo fiican qaban oo fashilantay. Waxaa warbixinta Professor-ka ka muuqata in (Bishii August ee 2016-ka kalsoonidii ay shacabka Soomaaliyed ku qabeen dowlada ay noqotay mid aad u hooseysa). Waxaa uga sii daray hanaanka doorasho ee Laalush-ka iyo Musuq-maasuqa ku saleysan oo hoos usii dhigay kalsooni daradii hore ee jirtay.

Halkaan ka dhagesyo wareysiga Prof. Samatar daqiiqada 8-aad ilaa 14-aad: 

Waxaa muuqata in shacabka Soomaaliyed 80% iyo ka badan ay rumeysan yihiin in Madaxda dowlada Federaalku ay ku fashilmeen talada iyo hoggaaminta dalka Soomaaliya. Bishii September ee 2016-ka ayaa warbixin lagu daabacay bogga Hiiraan oo uu soo bandhigay Maxamed Dudishe lagu sheegay in 80% dadka Soomaaliyed aysan wax kasooni ah ku qabin hoggaminta Xasan Sheekh iyo dowladiisa. Baarlamaanka cusub oo leh waxaan matela shacabka Soomaaliyed waxay ku noqon doontaa ceeb weyn oo taarikhda u gali doonta hadii ay dib usoo doortaan Madax aan wax kalsooni ah ka haysan ummadda Soomaaliyed. Halka hoose ka akhriso warbixinta Maxamed Dudishe oo uu dhamaad-kedu u qora sidaan:

Critics argue that President Hassan Sheikh Mohamud is currently working without a mandate. As his term ended days ago, HSM is busy trying to find a way to steal the next election which is scheduled in 7 weeks, on October 30, 2016. Many doubt the election will take place on schedule. HSM has had 4 years to prepare the 2016 presidential elections and his failure to have the presidential election on schedule summarizes his failed presidency.

.

.

Tixgelin,

W/D. Ahmed Nuur Arlaadi

Arladun@hotmail.com

_____________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment