228 Views

War deg deg ah: Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo goor dhawayd si rasmi ah ula wareegay gacan ku haynta degmada Xarardheere

War deg deg ah: Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa deegaanka oo goor dhawayd si rasmi ah ula wareegay gacan ku haynta degmada Xarardheere
____________________________________________________________________________


Isniin: January 16, 2023

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa xoogagga deegaanka ayaa si rasmi ah ula wareegay gacan ku haynta degmada Xarardheere ee Koonfurta gobolka Mudug.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS ayaa warbaahinta u xaqiijiyay qabashada Xaradheere, oo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay kula wareegeen dagaal la’aan.

Wararka ayaa intaas kusii daray in dagaal-yahanada Al-Shabaab ee ku sugna degmada ay faarujiyeen, kadib markii ay ka war heleen duulaanka culus ee ciidamada, waxaana hadda degmada si buuxda gacanta ugu haya ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka.

Ciidamada ayaa baaritaan lagu xaqiijinayo amaanka ka bilaabay xaafadaha kala duwan ee degmada Xarardheere ee Koonfur gobolka Mudug.

Kooxda Al-Shabaab ayaa la sheegaya in sidoo kale degmada ka saareen dhamaan dadkii ku noolaa, islamarkaana ay u kaxeysteen dhulka howdka ah, si ay uga badbaadaan duqeymaha diyaaradaha.

Warkaan sheegaya in Al-Shabaab ay ka baxeen degmada Xarardheere ayaa wuxuu soo yeeray xilli uu socday abaabulkii ugu xooganaa oo magaaladaas looga xoreeeyay kooxda Al-Shabaab – Xarardheere ayaa weligeed ku jirtay gacanta Al-Shab

Dowlad-goboleedka Galmudug ayaa hore u sheegtay in dhawaan ay bilaaban doonaan howl-galada lagu xoreynayo deegaanada ay Al-Shabaab kaga sugan yihiin maamulkaasi, xili ay muddooyinkii dambe ku jireen diyaar-garowgii u dambeeyay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post