234 Views

Wasaaradda Caafimaadka dowladda Soomaaliya oo sheegtay in ay heshay Digniino Caalami ah oo ku aaddan waxyeellada laba daawo oo sharooba ah

Wasaaradda Caafimaadka dowladda  Soomaaliya oo  sheegtay in ay heshay Digniino Caalami ah oo ku aaddan waxyeellada laba daawo oo sharooba ah
____________________________________________________________________________

Khamiis: January 12, 2023

Wasaaradda Caafimaadka iyo dareyeelka Bulshada ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in ay heshay Digniino Caalami ah oo ku aaddan waxyeellada laba daawo oo sharooba ah kuwaas oo loo isticmaalo daaweynta xanuunada ku dhaca Neefmareenka.

Daawooyinkan ayaa magacyadooda lagu kala sheegay :AMBRONAL SYRUP Iyo DOK-1 Max Syrup, waxaana soo saara shirkadda MARION BIOTECH PVT. LTD oo laga leeyahay Dalka India.

Warkan oo ay wasaaraddu soo dhigtay barteed facebook-ga ayaa waxay ku sheegaty inaysan xaqiijin karin in ay dalka yaaallan iyo in kale.

Dhaqaatiirta ayaa loogu baaqay in bukaannada loo qorin dawooyinkan.

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post