753 Views

Kooxaha Liverpool iyo Chelsea oo ku hishiiyay bar bar dhac Xili Cayaar adag dhex martay iyo Man City oo kutumatay Arsenal.

Kooxaha   Liverpool iyo Chelsea oo  ku hishiiyay bar bar dhac Xili Cayaar adag dhex martay iyo Man City oo kutumatay Arsenal.
____________________________________________________________________________

Axad: August 29, 2021

Ka dib ciyaar laba qeyb aheyd , Liverpool iyo Chelsea ayaa ku hishiiyay bar bar dhac min hal gool ah xilli kooxda Tuchel ku dhameysteen kulanka 10 ciyaartooy.

Sheekada labada dhinac : Ka dib ciyaar adkeyd , Liverpool iyo Chelsea ayaa  nasiinada ku aaday bar bar dhac min hal gool ah waxa uuna kulankaan ka tirsanaa wareegga 3-aad ee horyaalka Ingiriiska

Labada koox ayaa soo bandhigay ciyaar taxadar leh xilli Chelsea ku fiicnaayeen kubadaha rogaal celiska ah iyadoo ay gool ku keeneen daqiiqaddii 22-aad waxaana dhaliyay Havertz xilli goolkaas uu ka muuqday qalad dhanka daafaca ah maadaama laacibka goolka dhaliyay uu ahaa bilaa kormeer

Guud ahaan labada koox ciyaar xooggan ayay  soo bandhigeen xilli Chelsea ay ku wacnaayeen kubad raacshada , si qurux badan ayay u soo dagayeen kullamaa Liverpool kubadda cagtooda gasho .

Livrpool kubad kalsooni leh ayay ciyaarayeen , kubaddana aagga goosha Chelsea waa ay gaarsiinayeen balse daafac ayaa hor taagnaa xilli kooxda Tuchel ay ku tiirsanaayeen kubadaha dhaadheer

Liverool dhamaadkii rigoore ayaa loo dhigay ka dib markii kubad goosha Chelsea ku laalabatay marna birta ku dhacday ugu dmabeyn uu gacmaha ku bad baadiyay Reece  James kaasi oo kaarka casaanka la siiyay daqiiqadii 45-aad  waxaana ugu dambeyn gool u turjumay  Salah .

Waxaa xusid mudan in Liverpool daqiiqadii 43-aad ay saareen Firminho oo lagubadalay Jota kaasi oo ciyaarta sii dadajiyay .

Soo laabashadii. Chelsea waxa ay horay u soo giliyeen  Silva iyo Kovacic oo loo saaray Havertz iyo Kante oo u muuqday mid dhaawacmay  , waxaana weerarka kubadda ku sareeyay Liveprool kuwaasi oo ka faa`ideysanayay tira yarida Chelsea iyadoo Van Dijk daqiiqadii 51-aad laga bad baadiyay kubad laad goolna noqon kartay .

Chelsea mararka qaar kubadda waa ay soo jiideen xilli daqiiqadii 54-aad gool u diiday Robertosn balse guud ahaan kubadda waxaa ku badnaa wiikasha Klopp oo ay ka go`neyd gool labaad iyadoo Fabinho daqiiqadii 58-aad uu Mendy u diiday gool xaqiiq ahaa .

Ka dib dhacdooyinkaas , guud ahaan Liverpool iyaga ayaa maamulayay balse Chelsea daafac aya xerteen halka ay door bidiyeen kubadaha rogaal celiska ah waxa uuna Klopp daqiiqadii 74-aad soo giliyay Alcantara oo oo saaray Henderson

Chelsea daafac ahaan ayay isugu xernaayeen lagamana dareemin in laga tira badan yahay xilli guud ahaan qeybta labaad ay laheyd Liveprool dhan waliba

Isku day waliba oo ay Liverpool sameeyaan waxaa diidanaa goolhaye Mendy waxa ayan ciyaarta ku dhamaatay bar bar dhac min hal gool

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post