1041 Views

Koox hubeysan oo xalay weerar ku qaaday fariisin ciidamada dowladda ay ku leeyihiin Hilwaa.

Koox hubeysan oo xalay weerar ku qaaday fariisin ciidamada dowladda ay ku leeyihiin Hilwaa.
____________________________________________________________________________


Arbaco: March 2, 2022

Wararka laga helayo degmada Hilwaa ee Gobolka Banaadir waxaa ay sheegayaan in xalay uu halkaa ka dhacay dagaal aad u culus oo lisku adeegsaday hubka nuucyadiisa kale duwan, sida ay Goob-joogayaal ay xaqiijiyeen.

Dagaalka ayaa la sheegay in uu yimid kadib markii Koox loo maleenayo in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab ay weerar kasoo qaadeen Fariisin Ciidamada Dowladda ay ku leeyihiin agagaarka Baar-jowhar oo ka tirsan degmadda Hilwaa, inkastoo weerarka uu ku bilowday qarax xoogan oo aan la ogeyn nuuca uu yahay.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in dagaalka uu socday muddo saacad ah, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha dagaalkaas ka dhashay, waloow dagaalka uu dhacay xili habeen ah.

Weli wax war ah kama soo bixin Maamulka Degmada iyo Laamaha Ammaanka oo ku aadan dagaalka xalay ka dhacay degmada hilwaa, iyadoo muddooyinkii dambe ay degmooyinka muqdisho ka dhacayeen falal amni daro oo ay masuuliyadeeda inta badan sheegtaan Ururka Al-shabaab.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post