246 Views

Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo baaq u diray isbataalada in si lacag la’aan ah ay ku daweeyaan dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii shalay

Gudoomiyaha gobolka Banaadir oo baaq u diray isbataalada in si lacag la’aan ah ay ku daweeyaan dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii shalay
____________________________________________________________________________

Axad: OCTOBER 30, 2022

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa ugu baaqay isbataalada Muqdisho in si lacag la’aan ah ay ku daweeyaan dadkii ku dhaawacmay qaraxyadii shalay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Gudoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in ay baaritaan ku sameyn doonaan wararka sheegaya in isbataalada qaar ay lacago waydiiyeen qaar ka mid ah dadkii dhiiga shubayay.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegay in haddii ay run noqoto arrintaasi lala xisaabtami doono isbataaladaasi.

 Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post