795 Views

Rooble oo magaalada Garbahaarey kula kulay wax garadka Deegaankaas

Rooble oo magaalada Garbahaarey kula  kulay wax garadka Deegaankaas
____________________________________________________________________________

Axad: July 11, 2021

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo xalay ku hoyday magaalada Garbahaarey ee xarunta gobolka Gedo ayaa halkaasi ka bilaabay kulamo ku aadan u jeedka socdaalkiisa.

Rooble ayaa si gaar ah u qaabilay odayaasha dhaqanka ee degmada Garbahaarey, wuxuuna marka hore ka dhageystay warbixin ku aadan xaaladda magaaladaasi iyo sida looga gudbi karo khilaafaadka xoogan ee ka jira halkaas, maadaama la galayo doorasho.

Sidoo kale ra’iisul wasaaraha ayaa kala hadlay waxgaradka Garbahaarey dadaallada dib u heshiisiinta ee ay xukuumaddiisa ka bilaabeyo gobolka Gedo iyo arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan soo xulista kuraasta labada aqal ee taalla magaaladaasi.

Kulankan waxaa sidoo kale goobjoog ahaa Ugaas Maxamed Ugaas Haashi Ugaas Xirsi, iyo wasiiro ka tirsan xukuumadda Soomaaliya oo qeyb ka ah socdaalka Rooble.

Ra’iisul wasaaraha ayaa Ugaaska uga mahad-celiyay kaalintiisa nabadeynta, dib-u heshiisiinta iyo isku haynta bulshada ku dhaqan gobolka Gedo ee koonfurta dalka.

Ugu dambeyn ra’iisul wasaaraha xil-gaarsiinta ayaa ugu baaqay dhaqanka Gedo inay xoojiyaan dadaallada ay wadaan, si looga gudbo caqabada ka jira gobolkaasi.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post