723 Views

Wafdi ka socda dowladda Soomaliya oo gaaray degaano lagu dagaalamay

Wafdi ka socda dowladda Soomaliya oo gaaray degaano lagu dagaalamay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 06, 2021–Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirkii hore ee Wasaaradda arrimaha Gudaha Soomaaliya Xildhibaan Cabdirahman Maxamed Xuseen Odowaa, oo ay qeyb ka yihiin, Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Yuusf Alcadaala, Odayaasha Dhaqanka iyo masuuliyiin kale ayaa gaaray degaanka Xananbuure ee Gobolka Galgaduud.

Mas’uuliyiintan oo ku sugnaa Magaalada Cadaado ee Gobolka Galgaduud aya ujeedka safarkooda degaanka xananbuure ayaa waxaa uu yahay sidii xal looga gaari lahaa dagaalkii dhex-maray laba maleeshiyo Beeleed.

Labadii maalmood ee la soo dhaafay ayaa mas’uuliyiintaan waxaa ay kulamo kala duwan ka wadeen magaalada Cadaado maadama mid kamid ah labada beelood ee dagaalamay ay degan tahay.

Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirkii hore ee Wasaaradda arrimaha Gudaha Soomaaliya Xildhibaan Cabdirahman Maxamed Xuseen Odowaa ayaa la hulmaya Odayaasha Dhaqanka & qeybaha kala duwan ee Bulshada ku nool degaanka Xananbuure si xaalada loo dejiyo loona kala qaado labada maleeshiyo Beeleed.

Muddo Afar Maalin oo xiriir ah ayaa laba maleeshiyo Beeleed waxaa ay ku dagaalamayeen degaanka Xananbuure ee Gobolka Galgaduud, waxaana dagaalkaas la sheegay inay ku geeriyoodeen in ka badan 10 ruux tiro kalena ay ku dhaawacmeen.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post