306 Views

Madaxweynaha Puntland Deni oo sheegay in Puntland ay yeelan doonto saddex xisbi oo rasmi ah

Madaxweynaha Puntland Deni  oo sheegay in Puntland ay yeelan doonto saddex xisbi oo rasmi ah
____________________________________________________________________________

Isniin: SEPTEMBER 12, 2022

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa magaalada Garowe ee Caasumadda Puntland ka daahfuray tababarka Goleyaasha Deegaanka Degmooyinka Ufeyn, Qardho iyo Eyl kuwaas oo lagu soo doortay hannaanka Dimuqraadiyadda ee  hal Qof iyo hal Cod.

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni oo munaasabadda daahfurka ka jeediyey khudbad dhinacyo badan taabaneysa ayaa dadweynaha reer Puntland faray in loo dulqaato bilowga dimuqraadiyada lagana qeyb qaato sidii ay doorashooyinka qof iyo cod u hirgeli lahaayeen.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in mar dhow la helo ama ay Puntland yeelan doonto saddex Xisbi oo ka shaqeyn doona danaha shacabka siyaasad ahaanna u meteli doona.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa munaasabada ka yiri “Khibradayda Puntland iyo tan federaalka koox iyadu is wadata oo qabiil salka ku haysa cid ma hoggaamin karaan”

Sidoo kale waxa intaas sii raaciyey “Waxaan idin kala dardaarmayaa ninkii qabiil wax ku raadinaya, nin xoog wax ku raadinaya iyo nin shalay dadkii Puntland burburinayay maciin bidaya, ka digtoonaada”.

Hadalka Madaxweynaha Puntland ayaa aadaya iyadoo la soo gebagabeeyey qeybtii ugu horreysay ee tijaabada doorashada qof iyo cod taas oo ka qabsoontay degmooyinka Ufeyn, Qardho iyo Eyl.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post