687 Views

Guddiga Doorshooyinka Hir-shabeelle oo ku daray is Diiwaangalinta Musharaxiinta

Guddiga Doorshooyinka Hir-shabeelle oo ku  daray  is Diiwaangalinta Musharaxiinta
____________________________________________________________________________

 Axad: September 12, 2021

Wararka ka imaanaya saakay Magaalada Jowhar ayaa sheegaya in Guddiga Doorshooyinka Dowlad Goboleedka Hir-shabeelle ay ku dhawaaqay in Maanta ay ku dareen is Diiwaangalinta Musharaxiinta Aqalka Sare Baarlamaanka Soomaaliya ee Hir-shabeelle ka imaanaya, Kaddib Markii musharixiinta qarkood aysan u suuragalin inay is diiwaangaliyaan labadii maalin ee horay loogu qabtay.

Musharixiinta illaa iyo hadda is diiwaangaliyay ayaa gaaraya 26 Musharax, kuwaas 5 kamid ah ay yihiin Dumar halka 21 kale ay Rag yahiin.

Musharixiinta liiska kusoo baxay ayaa  gaarayay 33 Musharax, waxaana harsan oo illaa iyo hadda is diiwaan gelin 7 Musharax, inkasto warar soo baxayo ay Sheegayaan inay Musharaxiinta qarkood iskaga  hareen tartanka oo ay musharaxnimadoodu ay ka laabteen.

sidoo kale Guddiga Doorashooyinka Hir-shabelle ayaa sheegay in maalinta berri ah ay bilaabi doonaan dhageysiga khudbadaha musharaxiinta mar haddii maanta ay soo gabagabeeyaan diiwaangelinta musharixiinta ayna shaacim doonaan tirada rasmiga ah ee is diiwaan gelisay.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post