1695 Views

Dr. Ulusso “ Hoteelada Muqdisho waxaa gaaf wareegaya dalaaliin u ololeynaya in mooshin laga geeyo baarlamaanka RW Khayre”

Dr. Ulusso “ Hoteelada Muqdisho waxaa gaaf wareegaya dalaaliin u ololeynaya in mooshin laga geeyo baarlamaanka RW Khayre”
____________________________________________________________________________

Talaado, 19 May, 2020 | Qaranimo Online | Dr. Cabdi Ulusow, oo ahaa agaasimihii wasaaradda arrimaha dibedda dowladdii uu madaxweynaha ka ahaa C/llaahi Yuusuf, ayaa sheegay in ay jiraan shaqsiyaad uu ku tilmaamay dilaaliin siyaasadeed oo hoteelada Muqdisho ka wada olole ka dhan R/wasaare Xassan Cali Khayre.

Dr. Ulusow, qoraalka uu soo dhigay bartiisa facebook, waxa uu sheegay in Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire [Gaala-eri] iyo Siyaad Maxamuud Shire oo ku magacaaban Guddoomiyaha shirkadda Somaliairlines in ay yihiin kuwa Madaxweyne Farmaajo uu u xilsaaray faafinta dicaayadaha lagu magac-dilayo RW Khayre, waxaanna qoraalka uu soo saaray Agaasimihii hore ee wasaaradda arrimaha dibedda uu u qornaa siddatan:-

“Waxaa Hoteelada Xamar gaaf wareegayo La taliyaasha Madaxweynaha oo si bareer ah u sheegaya iney Fashilka Farmaajo ku wareejiyaan Wasiirka 1-aad Mr.Kheyre… Xuuraan laga helay ilo ku ku dhow Xildhibaan Cabdishakuur Mire (Gaalaeri) iyo Mr.Siyaad Shire oo ku magacaabay Agaasimaha Shirkadda magac u yaal ka ah ee Somali Airlines, waxeyna Shaqsiyaadkaan oo xiligaan ah dalaaliinta ugu weyn ee Farmaajo uu Adeegsado, X24-kii saac ee ugu dambeysay ku wareegaayay Hoteelada iyo Guryaha Xildhibaanada si ay taageero ugu helaan in Mooshin laga Geeyo Wasiirka 1-aad si xilka looga xayuubiyo.

Xubnahaan oo Dhaqaale joogta ah ka qaata 3-Meel ka qaataan Dhaqaale sharci darro ah kuwasoo kala ah tan Xilalka ay ku magacaaban yihiin Dekada iyo Gobolka Banaadir.

Mr.Farmaajo oo cagta saaray Wadadii Fashilka ayaa doonaya inuu Mas’uuliyada dusha ka saaro Mr.Kheyre inta aan la gaarin 21-05-2020 ee Fadhiga Golaha Amaanka ee UN-ka, wuxuuna ku jiraa rafashadii ugu dambeysay, iyadoo aan la ogeyn sida uu xaalku noqon doono iyo in Xildhibaanada Kulankooda 27-ka Bishaan dhinacyadaan doontoodu degtay midkey la Aadan doonaan.

 

 

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________ 

 

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment