381 Views

Raysal Wasaare Xamse iyo Wasiirka Arrimaha Dibedde ee Japan Yoshimasa oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal

Raysal Wasaare Xamse iyo Wasiirka Arrimaha Dibedde ee Japan Yoshimasa   oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal
____________________________________________________________________________

Axad: AUGUST 28, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa habeenkii xalay waxa uu kulan doceed kula yeeshay magaalada Tunis ee uu ka socdo shirka caalamiga ee TICAD8 – Wasiirka Arrimaha Dibedde ee Japan Yoshimasa Hayashi.

Sida lagu sheegay warbixin ka soo baxdey afhayeenka xukuumadda , labada masuul ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka taariikhiga ah, iskaashiga iyo wax wadaqabsiga u dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Japan.

Dalka Japan ayaa kamid ah dalalka taagerada iyogargaarka ku bixiya Soomaaliya Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa uga mahadceliyay dowladda Japan taageerada dhinacyada kala duwan leh ee ay siiso Soomaaliya.

Dhankiisa, Wasiir Hayashi ayaa sheegay in dowladdiisu ay diyaar u tahay xoojinta xiriirka ganacsi, amni iyo siyaasadeed – isagoo intaa raaciyay inay gacan ka geysan doonaan barnaamijyada horumarineed ee wax loogu qabanayo shacabka.

Shirka TICAD oo maalintii shalay ka furmey dalka Tuuniisiya ayaa lagu wadaa in maanta la soo gebagebeeyo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post