282 Views

Puntland oo ku eedaysay wasiirkii hore ee Maaliyadda Xasan Shire Abgaal in isbaaro u dhigtay doorashooyinkii qof iyo cod ee laga hirgelin lahaa Puntland

Puntland oo ku eedaysay wasiirkii hore ee Maaliyadda  Xasan Shire Abgaal in isbaaro u dhigtay  doorashooyinkii qof iyo cod ee laga hirgelin lahaa Puntland
____________________________________________________________________________

Arbaco: DECEMBER 28, 2022

Puntland ayaa markii u horeysay shaacisay in jid-gooyo loo dhigtay doorashooyinkii qof iyo cod ee laga hirgelin lahaa Puntland, taasi oo ay ku eedeysay wasiir awood badan ku lahaa maamulkaasi.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Puntland Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa sheegay in deegaanka Karin-dhiig ee gobolka Nugaal ay jid-gooyo dhigteen maleeshiyaad hubaysan oo uu hoggaaminayo wasiirkii hore ee Maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal.

“Xasan Shire Abgaal ayaa maleeshiyaad hubaysan lagalay buuraleyda Karindhiig wuxuuna doonayaa in uu colaad cusub abuuro,” ayuu yiri wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Juxa.

Hadalka Wasiirka ayaa ku soo beegmaya xilli la baajiyay gaadiidkii ka bixi lahaa Garoowe ee agabka diiwaan-gelinta u qaadi lahaa dhinaca gobolka Bari.

https://b2428896416cd1dac3ba5f1032f64cb2.safeframe.googlesyndication.com/safeframe/1-0-40/html/container.html Xogo madaxa-bannaan ayaa sidoo kale sheegaya in saacado kooban lagu arkay dabley hubaysan nawaaxiga dalcadda Karin-dhiig, balse aysan hadda jirin wax jid-gooyo ah oo halkaas taalla.

Xasan Abgaal oo mar ay isku dhawaayeen Saciid Deni ayaa hadda kamid ah mucaaradka ugu waaweyn ee kasoo horjeeda sida uu madaxweynaha u wado arrimaha doorashooyinka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post