1200 Views

Drs. Ruqiya “Xildhibaanka deegaankayga ku matala baarlamaanka, maalintii la doortay ayaa noogu war dambaysay…”

Drs. Ruqiya “Xildhibaanka deegaankayga ku matala baarlamaanka, maalintii la doortay ayaa noogu war dambaysay…”
____________________________________________________________________________

Drs. Ruqiyo Sheekh Naaji oo ah musharax xildhibaan ka tirsan BF Soomaaliya, ayaa ugu baaqday guud ahaan ururada bulshada, gaar ahaan saxaafadda in ay qaadato door ay mas’uuliyadi ku dheehan tahay xilliga lagu jiro diyaar-garowga doorashada si  baarlamaanka cusub ay  u soo galaan shaqsiyaad dalkan la-xajecli ay ka hayso, dalkana u jiheyn kara dowladnimo cadaalad ku dhisan.

“Qof kasta ee Soomaali ah ee maanta fursad u heli kara inuu wax saxo, ama saamayntiisa u adeegsado sidii dowladnimo taam ah dalka u gaari lahaa, kaalintiisa waa loo baahan yahay” Ayeey tiri Drs. Ruqiya oo saxaafadda la hadashay maanta, waxaynta  ugu baaqday warbaahinta Soomaalida in ay noqoto warshad turxan bixisa, soona saarta dad baarlamaanka Soomaaliya u qalma.

“Saxaafaddu ma ahan tan wax dooranaysa waxayse leedahay awood ay ku soo gole-joojin karto mas’uul walba oo quud-daraynaya inuu xil qabto, tusaale; Aniga waxaan la tartamayaa xildhibaanka deegaankayga ku matalaya baarlamaanka, waxaan rabi lahaa inaan la doodo, la xisaatamo, dadkii aan metalayno marka ay doodeena dhagaystaan oo ay si cadaalad ah u qiimeeyaan ay taageeraan midkii uu calaf u galo” Ayeey tiri Ruqiya, iyada oo hoosta ka xariiqday in aysan mansab iyo magac doon ahayn ee ay tahay qof u soo baxday laxa-jecli iyo damqasho ay dalkeeda iyo dadkeeda u qabto.

“Maadaama aysan shacabku wax soo dooranayn, oo cidda wax dooranaysa ay tahay baarlamaanka, waxaa laga maarmaan ah dadka baarlamaanka soo galaya in ay noqdaan kuwa lagu aamini karo masiirka ummadda” Ayeey tiri Ruqiya, waxay ku boorisay ururada bulshada in ay soo ceshtaan kaalintooda.

“Ururadu bulshadu waxay  matalaan, kuna hadlaan codka bulshada qaybaheeda kala duwan, waxay soo bandhigaan baahida & duruufaha adag ee shacabku ku sugan yihiin, shaqsiyaadka madaxda ka ah ururada bulshada waxaa xaq loogu leeyahay in aysan noqon kuwa lagu shubto, ee ay noqdaan kuwa bulshada ay metalaan ku hogaamiya cadaalad, uguna baaqaan bulshadu in ay isugu baxaan dareenkood

Drs. Ruqiya Sheekh Naaji waxay sheegtay inay ka mid tahay shaqsiyaadka u ololeynaya musharax Madaxwayne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, sababaha ay u taageerayso na aysan ahayn wax kale, ee ay u aragto inuu yahay mas’uulkii Soomaaliya gaarsiin lahaa halka ay mudan tahay.

“Sheekh Shariif wuxuu fure u ahaa guulo badan oo ay ummadda Soomaaliyeed muddo ku naaloonaysay, laga soo billaabo markii uu ahaa guddoomiyihii golihii maxaakiimta, markii uu noqday Madaxwayne wuxuu ku guulaystay inuu soo nooleeyo rajadii dowladnimada dalka” Ayeey tiri Drs. Ruqiya.

Drs. Ruqiya, waxaa kale oo ay sheegtay  in Soomaaliya ay ka soo kabanaysa burbur ay ku jirtay ku dhowaad 30 sanno, sida keliya ee ay u soo kaban karto in ay tahay in awoodu aysan noqon mid koox keligeed ay ku amar ku taaglayso, ee sharcigu noqdo mid qof kasta ba ka sareeya.

“Fikirka ah, in talada iyo masiirka ummadda ay isku koobaan hal koox, oo keligood isu arka in ay dadka kale ka Soomaalisan yihiin waa fikir aan Soomaali geyn, Soomaaliya waxay marxalada maanta lagu jiro kaga bixi kartaa in dadka shaqada loo dhiibayo aan loo eegin ma aniguu i taageersan yahay, ee lagu qiimeeyo in qofkaasi uu shaqada ka soo bixi karo” Ayeey tiri Drs. Ruqiya, waxayna intaasi raacisay:

“Mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu badan ee na haysta haddaan Soomaali nahay waxay tahay in shacabku ogaadaan in ay iyagu yihiin dowladda dhabta ah, ee shaqsiyaadka xilalka loo doorta ay yihiin dad shaqo loo dirsaday, haddii ay ka soo bixi waayaan waajibaadka loo igmadayna ay shacabka inta isu soo baxaan si wadajir ah ay u diidi karaan, waxaan u baahanahay madax qowlkooda iyo ficilkooda ay isla socdaan, ma doonayno madax marka hore been inoo sheegta marka ay Villa Somalia fadhiistaanna balantii ay shacabka ka qaadeen ku balan fura”.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post