435 Views

Maamulka Galmudug oo Dagaalkii Baxdo kadib Saraakiisha kala shiray Dagaalka lala galo Al-shabaab

Maamulka Galmudug oo  Dagaalkii Baxdo kadib Saraakiisha kala shiray Dagaalka lala galo Al-shabaab
____________________________________________________________________________

Arbaco: June 22, 2022

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Gobaleedka Galmudug Cali Daahir Ciid ayaa maanta shir guddoomiyay shir looga hadlay Amniga guud ee deegaanada Galmudug.

Shirkaan oo ay ka so qaybgaleen gudoomiyaha Gobolka Galgaduud iyo saraakiisha ciidamada qalabka sida ayaa diiradda lagu saaray amniga guud ee Galmudug iyo la dagaalanka Al-Shabaab.

Kulanka ayaa waxaa looga hadlay Dhacdooyinkii amni ee ugu dambeeyay sida weerarkii Al-shabaab ku qaadeen Deegaanka Baxdo ee Gobolka Galguduud.

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo shirkaasi ka hadlay ayaa Saraakiisha Ciidamada Amniga faray Xoojinta Howlgallada ka dhan ka ah Al-shabaab.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post