1359 Views

Kulamada & Kaftanka aan ka fiirsiga lahayn ee MW Farmaajo maxaa kala haysta!

Kulamada & Kaftanka aan ka fiirsiga lahayn ee MW Farmaajo maxaa kala haysta!
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 09  2020–Waxa uu ahaa kulan loogu yeeray Guddiga Todobaadka Xoriyadda iyo Midnimada, howladeenka Olalaha Isxilqaan iyo Maamulka Warbaahinta gaarka loo leeyahay, nuxur iyo wax weyn oo loo sheego dadka la casuumay kuma arag, qaarkoodna waxdhaafsiisan heesaha iyo soo horfariisiga madaxweynaha kama rabin kulanka, intiisa badan waxa uu ahaa bandhigga iyo suuqgeynta in iyada oo la fulinayo amarka madaxweynaha lagu soo beegay todobaadka xorriyadda furitaanka dhismayaal la dayactiray hayeeshee markii laga hadlayey loo ekeysiiyey in la dhisay

Xasan Cali Kheyre oo malaha ruclihii Stadium Muqdisho kayimid kulan koobanna la yeeshay madaxweynaha ayaa soo galay maqaayad yar oo kamid ah dhismaha guriga madaxweynaha oo kulanku ka dhacayey, Koofi-Barawaani & Mask ayuu xirnaa, dadka ayuu salaanta xusulka la dhexmaray, waxa isna la socday Wasiir Maareeye oo isna xiran Mask, waxa aan weydiiyey: “Wasiir in aad na tiraahdo Karona waa ka baxay beledka (coronavirus must be out) haddana adiga iyo Raisalwasaaruhu aad xiran tihiin weli Mask sidee isu qabaneysaa? “Waar mar haddii Raisalwasaaraheygu xiran yahay anna waa Waajib in aan xirto inta igu tuuray ayuu horayna u sii socday!

Markii madaxweynuhu soo galay kulanka ayaa koox meel dambe fadhiday waxa ay billaabeen Musik iyo heesihii ammaanta iyo xammaasadda, Cabdirashiid, xiriiriyaha ayaa aad u aammaanay kooxdan iyo waxa ay caawa sidaan, mid iyo laba kamid ah ayaan is iri bal dhegeyso, balse nin aad taqaan yaad tahay lama yiraahdo, Xamaasaddii iyo Qiiradii laga bartay Ahun Jaalle Siyaad ayay shubeen, hees qura ayaan u fahmay in ujeedku ahaa meel ay u socotayba, miraha waxa aan ka xusuustaa:- “Wixii kula gudboon yeel oo Yeegga haygu geddin”

Wejiyada aan arkay ee kaqaybgalay kulankan haddii aysan dhammaantood ahayn intooda badan ma faraxsanayn sababta si cad kuuguma sheegi karo hayeeshee mid kamid ah golaha Wasiirada oo soo dul istaagay koox aan kamid ahaa ayaa afka Ingiriiska ku yiri: “Maalmaha ka harsan xilli-madaxeedkeena ayaan tirineynaa sidaas awgeed ma hubo in aan xukunka sii joogi doono! runtii waxa aan ahay qof waaqici ah”

Waxa ay ahayd in kulunku furmo 8:00pm balse waxa uu billowday 10:00, waxa uuna dhammaaday 12:00Am, balse anfariirka iyo amakaaggu waa kan dambee Xildhibaan Maareeye ayaa furay kulanka, hadaladiisii kudhisnaa afmiishaarnimada ayuu la kalabaxay dhan walba oo malaha ay la ahayd in madaxweynuhu ka helo ayuu kahadlay kaddibna  madaxweyne Farmaajo ayaa qabsaday,  isna markiisa ayuu la kala baxay xamaasaddii iyo kaftankii aan ka fiirsiga lahayn ee uu caanka ku ahaa, intii uusan hadalka billaabin Abwaan Cabqaadir Cabdi Shube oo bidix fog fadhiyey ayaa la soo booday: Heestii Tiyaatarka lagu furay ee Taliya oo ha teginina Weligiin, balse madaxweynuhu si degdeg ah ayuu gacanta bidix Shube ugu tilmaamay in uu fariisto oo aamuso.

“Shahaado sharaf ayaan kudoosiineynaa Cabdullaahi Xersi, Universal & idaacadda Shabeelle, ayuu ii soo jeediyey Xildhibaan Maareeye, Ahna guddoomiyaha guddiga, Ahna, meel naga dhig ayaan iri, Billad sharaf ayaan bixineynaa, Xasan Cadde haye, Xasan Geeseey oo marka bannaanbaxyadu jiraan Taayarada soo garaangiriya, biyahana soo daldala oo isaga iyo ilmihii isu ekaadeen maxaan shahaado sharaf ku guddoonsiinaa”!

Wax qosla, wax anfariira iyo wax sacab ku dhufta ayaa loo qaysamay, madaxweynuhu waa sii hadlay oo meelo kale ayuu kaftankii gaarsiiyey, kaddiba Xildhibaan Maareeye, Xildhibaan Khadiijo iyo Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jamac ayuu billado u xiray, kulankiina waa dhammaaday!

W/Q: Axmed I. Guutaale.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post