1107 Views

Puntland oo hakisay gaadiidka soo galaya Boosaaso

____________________________________________________________________________


Sabti: December 4, 2021

Maamulka Puntland ayaa hakiyay gelitaanka Magaalada Boosaaso iyada oo baabuurta lagu celinayo degmada Carmo oo u jirta 100km, waxaana maamulka Puntland ay sheegeen in laga cabsi qabo in ciidamo taageersan ay soo galaan Magaalada taliska Ciidanka PSF ee xilka laga qaaday.

Ciidanka ayaa la sheegay in ay fasaxayaan kaliyah Baabuurta ka soo baxaysa.

Tallaabadan ayaa la rumaysan yahay in ay qayb ka tahay dhaqdhaaqyada ciidan ee dowladdu ay ku sheegtey in ay ku sugayso ammaanka magaalada dekedda leh.

Ciidamo kala taageersan taliska PSF iyo Madaxweyne Deni ayaa la sheegay in maalmihii lasoo dhaafay ay si weyn u soo galeen Magaalada, waxaana wargaradka Magaalada ay sheegeen in aysan aqbali doonin dagaal ka dhaco magaalada.

Xiisadda ciidanka sida gaarka ah u tababbaran ee PSF iyo madaxtooyada ayaa weli taagan, dowladduna waxa ay sii xoojinaysaa dhaqdhaaqyada ciidan ee Boosaaso, halka PSF ay ku sugan tahay xeradooda oo dhacda bariga magaalada.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post