978 Views

Guriceel oo caawa dagan aaga Jaamacada oo laga jaray Biyaha iyo Korontada iyo gaadiid dagaal laga qabtay..

Guriceel oo caawa dagan aaga Jaamacada  oo laga jaray Biyaha iyo Korontada iyo gaadiid dagaal laga qabtay..
____________________________________________________________________________

Isniin: October 25, 2021

Waraka ka imanaya caawa  magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in xaalka uu dagan yahay habeenkii sadaxaad uu dagaal ka socdo oo goos goos ah.

Dagaalkii  saakay dhacay xooggiisa ayaa ka dhacay aaga Jaamacadda oo ay qayb ka mid ah gaadiidka iyo dagaalyahanada Ahlusunna banaanka uga soo baxeen, iyagoo isku dayaya inay helaan tab ay kaga bixi karaan go’doominta saaran.

Ciidamada Dowlada iyo kuwa Galmudug ayaa Go’doomintii ugu danbeeyay caawa halkaas ku sameeyay, waxaana tubbooyinkii biyaha gaarsinayey xarunta Jaamacada iyo korontadii laga jaray si ay ugu qasbaan iney is dhiibaan kooxda ahlu suna ee halkaas ka dagaalamaysa.

Sidoo kale Xubno ku dhow Maamulka Galmudug ayaa sheegay in sababta aaga Jaamacada looga saari la yahay ahlu suna ay tahay, iyadoo uu halkaas ku jiro Shiikh Maxamed Shaakir oo ka mid ah hogaamiyeyaasha ahlu suna.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post