1125 Views

Xaalad kacsanaan ah oo saakay ka taagan Magaalada Balad Xaawo Gedo ee Xuduuda kenya iyo Somaliya..

Xaalad kacsanaan ah oo saakay ka taagan Magaalada Balad Xaawo  Gedo ee  Xuduuda kenya iyo Somaliya..
____________________________________________________________________________

Magaalada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo waxaa ka socda dhaq-dhaqaaqyo ciidan, kadib markii Xukuumadda Soomaaliya ay sheegtay in Kenya abaabuleyso Jabhad weerarta Magaaladaas oo ku sugan Mandheera.

Ciidanka Dowladda Soomaaliya ayaa sameystay saldhigyo cusub, shacabka ayaa hadal haya hadallada ay is dhaafsadeen Xukuumadda Federaalka & DG Jubbaland oo Wasiirkooda Amniga uu ku sugan yahay Magaaladaas.

Nabadoon Idiris Aadan Nuur oo kamid ah Odoyaasha Balad Xaawo ayaa saxaafada  u sheegay in dadka Degmada oo la dhibtoonaya kasoo kabashada xaaladaha nololeed loogu daray colaadda sababtay in ay barakac ay qorsheystaan.

Waxa uu soo jeediyay in la sameeyo tallaabo weliba oo looga baaqan karo barakicinta dadkaan & deminta Colaadda welwelka ku beertay, maadaama horay dagaaladii uga dhacay raadadkoodu muuqdo.

Nabadoon Idiris Aadan ayaa Dowladda Soomaaliya & DG Jubbaland usoo jeediyay in colaadda ay u badalaan wada-xaajood si looga hortago dhibaato gaarta dadka rayidka ah ee ku sugan Magaalada Balad Xaawo.

Isu caga-jugleynta Dowladaha Soomaaliya & Kenya, Eedeynta labada dhinac & dhaq-dhaqaaqyada militari ay sameynayaan ayaa sabab u ah welwelka lasoo dersay shacabka ku sugan Magaalada Balad Xaawo ee Gobolka Gedo.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post