147 Views

Jaamacadda Carabta oo Arbacada Kashiraya Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya

Jaamacadda Carabta oo Arbacada Kashiraya Xiisadda Soomaaliya iyo Itoobiya
____________________________________________________________________________

Ururka Jaamacadda Carabta, ayaa Axaddii shalay ahayd ku dhawaaqay inay shir degdeg ah oo heer wasiir ah yeelan doonaan Arbacada soo socota, kaas oo lagaga hadlayo xiisadda u dhaxaysa Soomaaliya iyo Itoobiya, ka dib heshiis ay Muqdisho diiday, kaasoo Addis Ababa kula saxeexday maamul-goboleedka Somaliland. taas oo ay ku hesho mudnaanta badda cas.

Tani waxay kusoo beegantay hadallo loo jeediyay saxafiyiinta, oo uu sameeyay kaaliyaha xoghayaha guud ee ururka Jaamacadda Carabta, Ambassador Xasaam Zaki, sida ay sheegtay wakaaladda wararka ee Masar Waxaa la go’aamiyay in la qabto shir degdeg oo heer wasiirro ah, Arbacada soo socota (Janaayo 17), iyada oo looga qaban doono, Qaabka fogaan araga ah” ayuu intaa raaciyay Zaki.

Kulankan ayaa lagaga wada hadlayaa “ cawaaqibka ka dhalan kara in si sharci-darro ah lagu dhammeeyo heshiis is-afgarad ah oo u dhexeeya Itoobiya iyo Somaliland, sida uu dhigayo Addis Ababa waxay ku heshay oggolaanshaha ka faa’iidaysiga 20 KM waqooyi-galbeed ee Soomaaliya ee Badda Cas,” ayuu yidhi Hussam Zaki.

Mas’uulkan oo u hadlay midawga ayaa tilmaamay in kulanka lagu qaban doono codsi ka yimid Soomaaliya, isla markaana ay taageerayaan 12 dal oo Carbeed, waxaana shir guddoomin doona Morocco, Waxa uu tilmaamay “in si buuxda loo wada raacsan yahay mowqifka Soomaaliya iyo taageeradooda” ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Horaantii bishii January ayay ahayd markii ay xiisad ka dhex aloosantay Soomaaliya iyo Itoobiya, ka dib markii ay labada dhinac heshiis is afgarad ah la saxiixdeen maamulka gooni u goosadka ah ee Somaliland, kaas oo gogol xaar u ahaa “Saldhig Milatari iyo in Deked laga sameeyo Badda Cas.”

Ururka Jaamacadda Carabta iyo xubno badan oo ay ka mid tahay Masar ayaa ku dhawaaqay inay diideen heshiiska iyo sidoo kale waxa ay Soomaaliya u fidiyeen taageerada madax bannaanida dhulkeeda, waxa sidoo kale la filayaa in IGAD ay kulmaan maalin kadib jaamacadda Carabta si ay uga hadlaan xiisadda Itoobiya iyo Soomaaliya dagaalka Sudan.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post