948 Views

Dhibaatooyinka Shaqo la’aanta: Qaar ka mid ah howlaha ugu yaabka badan adduunka

Dhibaatooyinka Shaqo la’aanta: Qaar ka mid ah howlaha ugu yaabka badan adduunka
____________________________________________________________________________

Jimco: july 30 2021

Xilli ay sii korsheyso dhibaatada shaqo la’aanta ee ka jirta caalmak, haddana dadka qaar waxay ka fikireen sidii loo abuuri lahaa fursado shaqo. Qaar ka mid ah shaqooyiinka ugu layaabka badan adduunka waxaa ka mid ah kuwa ay dadka qaar ka helaan nolol maalmeedkooda waxa ay ku dabbaraan.

Waxaa jira dad badan oo shaqooyinka qaar quursada ama ka faana oo u arka wax qeyrul-caadi ah. Balse maahmaahyo aan lasoo koobi karin ayay luuqadaha kala duwan ku sheegeen in shaqo ay mar walba tahay shaqo haddiiba gacanta iyo afka ay is aadayaan.

Ma sameyn lahayd shaqooyinkan?

1 – In qof kilkishiisa la ursado si loo ogaado tayada barafuunka

Haddii aad tahay qof ku fiican wax urinta iyo kala garashada carafta barafuunnada, waxaad laguu hayaa fursad.

Waxaa lagaa rabaa inaad qof kilkishiisa sankaaga saarto si aad u xaqiijiso tayada carafta barafuunka kilkilaha ama noocyada kaleba.

Haddii aad shaqadan qaadato waxaad tijaabinaysaa barfuunno kala duwan, waxaadna shirkadaha soo warshadeeya siinaysaa talooyinka ku saabsan in wax laga baddalayo tayadooda.

2 – In dadka lagu riixo tareennada

Shaqadan waxaa laga helaa dalka Japan, maadaama xilliga subaxdii ay waddooyinka buux dhaafiyaan dad tareennada raaca.

Waddanka Japan wuxuu ka mid yahay dalalka shacabkiisa ugu mashquulka badan yihiin, waana in la xaqiijiyo sidii uu qof walba goobtiisa shaqada ugu tagi lahaa xilliga habboon.

Maadaama ay dad aad u badan socdaan, dowladda waxay shaqaaleysiisay dad xirfad u leh inay shacabka lugeynaya ku riixaan tareennada, si uusan qofna uga daahin shaqadiisa.

Mararka qaar waxay riixayaan dad ka labo labeynaya inay tareenka raacaan, haddii ay u maleeyaan inuu buuxo.

Dadka shaqadaas ku jira waa inay xirtaan dhar cad cad iyo galoofisyada gacmaha la gishto, saacadaha ay shaqeynayaanna waa aroorta hore iyo fiidkii.

Shaqadan waa lagu tilmaamaa mid dheeri ah, inta badanna waxaa qabta ardayda, laakiin lama oga mushaarka lagu qaato.

3 – In la kireysto wiil saaxiib jacayl ah

 

Magaalada Tokyo dhexdeeda, haddii aad lacag heysato way kuu fududaanaysaa inaad hesho wiil kula sameeya saaxiibtinnimada jacaylka. Dad badan layaab ayay ku tahay arrintan balse waa shaqo sii xoogeysanaysa

.

4 – In qof loo galo safka

Isla waddanka Japan, waxaa jira dad shaqo ahaan uga faa’iideysta in qof daahsan ama aan awoodin taagnaanta loo galo saf dheer oo uu ku sugayo adeeg.

Mushaarka ay qaataan dadkaas wuxuu ku xiran yahay hadba inta uu la egyahay safka iyo waqtiga ay sugayeen.

5 – In la ursado warqadaha musqulaha

Shirkadaha soo farsameeya warqadaha lagu isticmaalo musqulaha waxay xaqiijiyaan in aysan soo urin ka hor iyo kaddib marka la isticmaalo.

Inta aan suuqa lasoo galinin, warshadda gudaheeda waxaa ka shaqeeya dad ay howshooda tahay inay ursadaan islamarka la sameeyo iyo marka la isticmaalo kaddib.

Dadka loo qabto shaqooyinkan waxay u baahan yihiin talo ku aaddan in warqadaha ay sameynayaan ay noqdaan kuwo aysan caraftooda isbaddalin marka la isticmaalo iyo inta aan la isticmaalin ka hor.

6 – Dadka kahiirrada ku ah seexashada

 

Waa suuragal inaad la yaabban tahay in hurdo lagu helayo mushaar. Haa, waa sax dad ayaa lacag lagu siiyaa inay seexdaan. Waxay u shaqeeyaan seynisyahanno cilmi baaris ku haya dhibaatooyinka hurdo la’aanta.

Waxaa la siinayaa dawooyin lagu hurdo si loogu tijaabiyo, sidaas ayayna lacag ku helayaan.

7 – Nadiifinta mantagga

 

Waddamo badan oo ka mid ah reer Galbeedka, tani waa shaqo si joogto ah looga qabto goobaha ay dadweynaha ku badan yihiin, sida basaska iyo tareennada ama meelaha laga dukaamaysto.

Qof walba shaqadaas ma qabto balse waxaa la siiyaa dad aqoon u leh. Haddii aad diyaar u tahay shaqadan waxaad tageysaa goobaha dadweynaha joogaan, adigoo sugaya in uu qof mantago si aad durbadiiba u nadiifisid.

Waa lagu soo dhaweynayaa marka aad shaqadaas doonatid, laakiin su’aashu waxay ka taagan tahay, ma sameyn kartaa?

8 – Kala garashada digaagga labka iyo dheddigga

Howshan waa in la kala aqoonsado digaagga yar yar inay lab yihiin ama inay dheddig yihiin. Dalka Ingiriiska shirkad ku taalla ayaa sanadkii lasoo dhaafay shaacisay inay yaraadeen dadka khibraddaas leh ee shaqadan soo raadsada, iyadoo xitaa sanad walba qofka ku siinaysa lacag dhan £40,000 oo gini.

Tani waxay ka dhigan tahay in shaqadaas hadda laga heli karo waddanka UK.

Dadka doonanaya shaqadaas waa inay heystaan shahaado muujinaysa inay qaateen tababar saddex sano ah oo la xiriira kala garashada jinsiga digaagga.

9 – In taargada gaariga la qariyo

Waddanka Iiraan ayaa laga hirgaliyay sharci lagu yareynayo saxmadda gawaarida, kaasoo baabuurta maalmo u kala sameynaya inay magaalada aadaan.

Dadka gawaarida leh ayaa durbadiiba billaabay inay shaqaaleysiistaan dad u qariya taargada marka ay joogaan goobaha ay ku xiran tahay kaamirada CCTV, si aan loo arkin xilliga ay sharciga jabinayaan.

10 – Shaqada baroorashada

Shaqadan xiiso ayay ka yeelatay waddamo badan. Haddii aad u ooyi karto qof dhintay oo xitaa aadan aqoonin isaga iyo qaraabadiisa toona, shaqadan waad u qalantaa.

Waxaa lagaa rabaa inaad illin badan u daadisid qofkaas, adigoo aad u qaylinaya.

Inkastoo ay u muuqato shaqo layaab leh haddana waxay la mid tahay shqooyinka kale. Dhallinyaro badan ayaa shaqadan nolol maalmeedkooda uga soo saara waddamo ay ka mid yihiin Kenya iyo Nigeria.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post