798 Views

Qasaaraha ka dhashay Dabley hubaysan oo xalay dhuusmareeb dad ku layay oo soo kordhaya

Qasaaraha ka dhashay Dabley hubaysan oo xalay dhuusmareeb dad ku layay oo soo kordhaya
____________________________________________________________________________

June 12 2021

Dabley hubaysan ayaa xalay dad ku laayay gudaha magaalada dhuusamareeb ee xarunta Gobbolka Galgaduud, sida ay saxaafada u sheegeen dadka deegaanka.

Rag hubaysan oo ku lebbisan dharka ciidanka, ayaa rasaas huwiyay dad ku sugnaa maqaaxi ku taal Dhuusamareeb, waxaana weerarkaas ka dhashay dhimasho iyo dhaawac.

Ku dhawaad 5  ruux ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen weerarka, halka ay ku dhaawacmeen laba kale, waxaana goobka ka baxsaday dableydii weerarka fuliyay.

Sidoo kale Ilaa iyo haatan ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas sidoo kale weli kama hadlin mas’uuliyiinta dowlad goboleedka Galmudug.

Waa falkii ugu horeeyay ee maqaayad dad lagu laayo magaalada Dhuusamareeb oo 10 sano ee la soo dhaafay ahayd goob amaan ah oo ka caagan Dilalka qorshaysan iyo Qaraxyada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post