1140 Views

Jubbaland oo ka digtay kacdoon ka dhasha xariga Wasiir Janan

Jubbaland oo ka digtay kacdoon ka dhasha xariga Wasiir Janan
____________________________________________________________________________

uqdisho | QOL | October 08, -2019 —Dowladda Soomaaliya ayuu weli u xiran yahay wasiirka Amniga Maamulka Jubbaland Cabdi Rashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan),kaas oo Garoonka Muqdisho laga qabtay  31-kii Bishii Agoosto xilli uu kusii jeeday dalka Itoobiya.

 

Maamulka Jubbaland ayaa dhowr jeer ka hadlay xariga Wasiirka,iyaga oo ka digay cawaaqib-xumo ka dhalata xariga Wasiirka Amniga Jubbaland, iyada oo ay jirtay banaanbaxyo looga soo horjeeday oo ka dhacay deegaano ka tirsan Gedo iyo Jubbooyinka.

 

 

 

Madaxweyne kuxigeenka 1aad ee Dowlad goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay in cadaadiska farabadan oo Dowladda Soomaaliya ay ku heyso Maamulka Jubbaland ay ka dhalan karto kacdoon Bulsho.

 

Waxaa uu sheegay in cid alaala cidii wax ka tabaneysa madaxda Jubbaland ay ka dacwoodaan hay’adaha garsoorka Jubbaland,isla markaana Madaxda Dowladda looga baahan yahay inay xuriyadiisa siiyaan Wasiirka inta aysan cawaaqib-xumo ka dhalan.

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment