1137 Views

Al-shabaab oo meel fagaare ah ku daldashay laba qof

Al-shabaab oo meel fagaare ah ku daldashay laba qof
____________________________________________________________________________


Arbaco: October 6, 2021

Wararka ka imaanaya degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in kooxda Al-shabaab ay shalay gelinkii dambe meel fagaare ah ku daldashay laba qof.

Qoraal lagu shaaciyay bogga taabacsan kooxda Al-Shabaab ee SomaliMemo ayaa lagu yiri ” xukunno dil ah ayaa lagu ridday nin 59 sano jir ahaa kaasi oo lagu helay in uu Sixirka ku shaqeysan jiray.”

Al-shabaab ayaa sidoo kale isla halkaas ku dishay nin ay sheegeen inuu ka tirsanaa ciidamada booliska ee maamulka Jubbaland.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post