363 Views

Ergeyga gaarka ah ee abaaraha oo la kulmay madax katirsan Dowladda Norway

Ergeyga gaarka ah ee abaaraha oo la kulmay madax katirsan Dowladda Norway
____________________________________________________________________________

Khamiis: OCTOBER 13, 2022

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabbilsan gurmadka abaaraha Md, Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo maanta booqasho ku tegay aqalka golaha Shacabka Norway ayaa waxaa halkaas kusoo dhoweeyay xildhibaan , Maryan Xuseen oo ah xildhibaankii ugu horreeyay ee isir ahaan Soomaali ah.

Ergeyga ayaa halkaasi kula kulmay guddoomiyaha golaha shacabka, xildhibaanno ka kala socday xisbiyada kala geddisay iyo Ismacil Xusseen oo ah siyaasi ka mid ah dhallinyarada Soomaaliyeed ee  magaalada Oslo.

kulanka oo sidoo kale ay warbaahintu maxalliga ah qeyb ka aheyd ayuu Ergeygu kaga warbixiyay xaaladda Abaarta ee Soomaaliya iyo sida ay lama huraan u tahay in xubnahaani gacan ka geystaan u qaareemidda arrimaha Soomaaliya iyo garab qabashadeeda.

Xildhibaannada oo wadahadal dheer la yeeshay Ergeyga ayaa si dareen le huga hadlay arrinka Soomaaliya iyada oo gaar ahaanna Xildhibaan Maryan ay muujisay sida Iyada iyo Xisbigeeduba ay horay iyo haddaba ugu dedaalayaan gacan siinta Dowladda iyo Shacabka Soomaaliya.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post