810 Views

Somaliland oo War kasoo saartay xiisad dagaal oo ka taagan Gobolka Sool

Somaliland oo War kasoo saartay xiisad dagaal oo ka taagan Gobolka Sool
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL |  July 6  2020–Laba maleeshiyo beeleed ayaa saacadihii la soo dhaafay waxaa ay ku dagaalameen degaanka Horufadhi ee Gobolka Sool,kuwaas oo dagaalkooda uu sababay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo kala gaaray maleeshiyaadka dagaalamay.

Guddoomiyaha Gobolka Sool, ee Soomaaliland Cabdiqani Maxamuud Jiidhe ayaa sheegay in dagaalkaas uu yahay mid cawaaqim-xumo iyo caqabad ku ah dedaalladii nabadeynta ee socday.

“Maamulka gobolka Sool & shacabkaoo isku duuban, waxay ka xun yihiin colaadda ka soo cusboonaatay degmada Horufadhi ee Gobolka Sool,waa mid keeni kara dhibaato horleh oo Bulshada isku geystaan oo dhaawicii karta dadaaladii ay wadeen duubabka dhaqanka ayuu yiri” Guddoomiye Cabdi Qani Jidhe.

Ugu dambeyn Guddoomiyaha Gobolka Sool, ee Soomaaliland Cabdiqani Maxamuud Jiidhe, ayaa baaq nabadeed u diray labada beelood oo ay mar kale colaad sokeeye ku dhex martay deegaamo ka tirsan Buuhoodle,isaga oo sheegay in Soomaaliland ay diyaar u tahay xal u raadinta arrintaas.

Wafdi Isimo ah oo uu hoggaaminayo Garaad Jaamac Garaad Cali ayaa ku baxay colaadaas,kuwaas oo la filayo inay tagaan degaanka Ceegaag oo la filayo in lagu qabto shir lagu heshiisiinayo labada beelood oo colaadooda soo laab laabatay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post