1140 Views

Taliyaha Ciidanka Kenya Oo Booqday Ciidankooda Ku Sugan Somalia

Taliyaha Ciidanka Kenya Oo Booqday Ciidankooda Ku Sugan Somalia
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 28, 2019–Taliyahaasi oo lagu magacaabo Sarreeye Guuto Walter Raria Koipaton ayaa la sheegay inuu shalay booqasho qarsoodi ah ku tegay fariisimadda Hawlgalladda ee ay Ciiddanka Kenya ku leeyihiin Aagga Hore ee Degmooyinka Ceel-waaq, Geriiley iyo Buura Xaaji, sida ay baahiyeen qaar ka mid ah Warbaahinta dalkaasi.

Socdaalka Taliyahaasi ayaa lagu sheegay mid uu ku dhiiri-gelinayo Ciiddanka Kenya iyo inay kordhiyaan Dagaalka ay kula jiraan Alshabaab, waa sida hadalka loo dhigay.

Jeneral Koipaton waxa uu ku bogaadiyey Ciiddanka daadaalkooda ku aadan inay DFS ka taageeraan La-dagaalanka khatarta Alshabaab iyo inay difaacaan Madax-bannaanida iyo Xuduudaha dalka Kenya, waa sida lagu soo daabacay barta ay Ciiddanka Kenya ku leeyihiin Feceebook-ga .

 

Dhinaca kale, socdaalka uu Taliyaha Ciiddanka Kenya ku yimid Somalia ayaa ku soo beegantay, xilli ay Ciiddanka Khaaska ee dalka Kenya qeyb ka yihiin Hawlgal la sheegay in lagu badi-goobayo Labo Dhakhtar oo u dhalatay dalka Kuuba, kuwaasi oo bishii hore laga soo afduubtay Degmadda Mandheera ee W/bari Kenya.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment