825 Views

Jabhadda TPLF oo sheegtay inay ku wajahan yihiin gobolka Amxaarada iyo dalka Eritrea

Jabhadda  TPLF oo  sheegtay inay ku wajahan yihiin gobolka Amxaarada iyo dalka Eritrea
____________________________________________________________________________

Arbaco: June 30 2021

Jabhadda ka dagaallanta waqooyiga Itoobiya ee TPLF ayaa sheegtay inay ku wajahan yihiin gobolka Amxaarada iyo dalka Eritrea si ay u baacsadaan waxa ay ku tilmaameen cadowgooda.

Afhayeenka TPLF, Getachew Reda, ayaa sheegay in ujeedka ay uga golleeyihiin go’aankaas uu yahay inay meesha ka saaraan awoodda kooxihii dagaalka ka waday Tigray sideedii bilood ee lasoo dhaafay.

Wuxuu sheegay in la furayo marinnada gargaarka balse ay weli ku raadjoogaan ‘ciidamada cadowga’.

TPLF waxay sheegtay in baacsanayaan ciidamada federaalka ee ka baxsaday magaalada caasimadda Tigray ee Mekelle.

Waxaa lagu soo warramayaa in ciidamadii Eritrea ee taageerayay militeriga Itoobiya ee ku sugnaa magaalada Shire ay isaga baxeen halkaas.

Ciidamada TPLF ayaa qabsaday magaalad Mekelle, waxaana waddooyinka ka socdaa dabaaldegyo lagu soo dhaweynayo ciidamada taas saraakiisha dowladda federaalka ku khasabtay in halkaas ay isaga cararaan.

Dadka deegaanka ayaa lagu soo warramayaa inay isugu soo baxeen waddooyinka iyaga oo ridayo baaruud xilli ay sitaan calanka Tigray.

Sidoo kale waxaa jiraa warar sheegayo in dagaallo u dhexeeyo ciidamada dowladda iyo kuwa TPLF uu ka socda banaanka hore ee caasimadda Mekelle.

Dowladda Itoobiya ayaa gobolka Tigray uga dhawaaqday xabbad joojin – sideed bilood kaddib markii uu Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed uu halkaas ciidamo u diray si uu hoggaanka gobolkaas meesha uga saaro.

Ku dhawaaqidda arrintaas ayaa waxa ay timid xilli dad goobjoogayaal ah ay sheegeen in ciidammada ka soo horjeeda dowladda ay joogaan waddooyinka caasimadda gobolkaasi ee Mekelle.

Dhammaan dhinacyada ayaa waxaa lagu eedeeyay inay gaysteen dilal badan iyo xadgudubyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

In ka badan shan milyan oo qof ayaa waxa ay si degdeg ah ugu baahan yihiin raashin gargaar ah, waxaa sidaasi sheegtay Qaramada Midoobay, halka 350,000 oo qofna ay macalluul wajahayaan.

Getachew Reda, afhayeenka Jabhadda Xorraynta Dadka Tigray (TPLF), ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in magaalada ay haatan gacantooda ku jirto.

Tira dad ah oo ku sugan magaaldaa Mekelle ayaa sidoo kale BBCda u sheegay inay u dabaaldagayaan bixitaanka ciidammada federaalka. Ila wareed aanan la magacaabin oo ka tirsan dowladda ku meelgaarka ah ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee AFP “qofwalba waa uu baxay”, halka laba qof oo goobjoogayaal ah oo u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters in askar Tigray ah lagu arkay gudaha magaalada Mekelle.

Dowladda Itoobiya ayaanan weli wax war ah ka soo saarin wararka sheegaya in ciidammadeeda ay dib u guranayaan.

Hasayeeshee bayaan la shaaciyay gelinkii dambe ee Isniinta ayaa waxaa lagu faafaahiyay xog dheeraad ah oo ku saabsan xabbad joojinta, iyadoo bayaanka lagu sheegay in xabbad joojintu “ay socon doonto illaa uu ka dhammaanayo xilliga beeraha”, in gargaarka loo ogolaado inuu gaaro dadka u baahan iyo in fursad la siiyo habkii xal siyaasadeed lagu gaari lahaa.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres, oo Isniintii khadka taleefan kula hadlay Mr Abiy, ayaa sheegay in “muhiim ay tahay in la ilaaliyo dadka rayidka ah, gargaarka uu gaaro dadka u baahan iyo in la gaaro xal siyaasadeed”. Sikastaba xaalku ha ahaadee, waxa uu ku “rajo waynaa” in xabbad joojin ay dhaqangash.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post