789 Views

Lionel Messi oo qaaday Koobkii ugu horreeyay ee caalami ah kaddib markii Argentina ku guulaysatay Copa America

Lionel Messi oo qaaday Koobkii ugu horreeyay ee caalami ah kaddib markii Argentina ku guulaysatay  Copa America
____________________________________________________________________________

Axad: July 11, 2021

Lionel Messi ayaa waxa uu soo afjaray sugitaankiisii koobkii ugu horreeyay ee caalami ah kaddib markii Argentina ay finaalka koobka Copa America ku garaacday xulka kubadda cagta ee Brazil ciyaartaas oo ka dhacday garoonka Rio Maracana.

Messi oo 34 jir ah ayaa garoonka isku riday farxad awadeed markii garsooruhu uu ku dhawaaqay seeriga dhammaadka ciyaarta, isla markiiba waxaa ku soo orday saaxiibadii xulka qaranka, markaas oo ay inta ay kor u qaadeen sare u tuureen, sidaasna waxa uu ciyaaryahankaasi ku gaaray heer sare oo isaga iyo dalkiisaba uu gaarsiiyay tartankiisii 10-aad ee heer caalami ah.

Sidoo kale waxa uu Argentina ka caawiyay inay soo afjarto 28 sanadood oo ah markii ugu dambaysay oo ay tartanka qaadaan, Messi-na waxaa loo magacaabay inuu ahaa ciyaaryahankii ugu wanaagsanaa tartanka kaas oo uu afar gool ku dhaliyay.

Angel di Maria ayaa dhaliyay goolka kaliya ee ciyaarta weliba si qurux badan ayuu u dhaliyay, kaddib markii uu ka faa’iidaystay baas uu u soo dhigay Rodrigo de Paul

Messi ayaa helay fursad uu ciyaarta dhinac ugu ridi karay hasayeeshee goolka ayuu ku simbiririxooday, sidaas ayuuna ku lumiyay wax u muuqanayay fiinaal cajiib ah oo soo maray kabtanka Argentina.

Xulka koobka difaacanayay ee Brazil ayaa ka niyadjabay markii ay ka faa’iidaysan waayeen fursadihii ay ka khasaariyeen Richarlison iyo Gabriel Barbosa, kuwaas oo uu shabaqiisa ka badbaadiyay Emi Martinez.

Si ka duwan sida uu u dabaaldegay Messi ayaa ciyaaryahanka nambarka 10-aad u wata xulka Brazil ee ay Barcelona u soo wada ciyaari jireen ee Neymar ayey ilmo soo dhaaftay markii la yeeriyay seerigii dhammaadka ciyaarta, isagoo weli ciyaaryahankaas uu baadigoobayo guushiisa caalamiga ah, maadaama uusan dheelin tartankii 2019 ee ay Brazil qaadday koobka Copa America, markaas oo uu dhaawac ku maqnaa.

Labada ciyaaryahan ayaa ka soo wada dheelay garoonka Nou Camp intii u dhaxaysay 2013 illaa 2017 ka hor inta uusan laacib reer Brazil u dhaqaaqin dhinacaas iyo kooxda Paris St-Germain, ayaa laabta muddo isku hayay intii la sugayay bilaabmashada xafladda koobka.

Ciyaarta waxaa daawaday 7,000 oo qof oo garoonka marti ku aheyd waana markii ugu horraysay tartankaasi sanadkan ee ay daawadayaal garoonka loo ogolaaday, fayraska karona awadii.

Taageerayaasha Brazil ayaa qaylinayay markasta oo ay kubaddu lugta u gasho Messi.

Tartanka ayaa dib loo dhigay muddo sanad ah cudurka safmarka ah awadii iyadoo dalalka Colombia iyo Argentina oo martigelin lahaana laga wareejiyay oo daqiiqadiihii ugu dambeeyay loo weeciyay Brazil oo martigelisay midkii 2019-ka, arrintaas oo horseedday dhaleecayn badan maadaama xaalada cudurkaasi ee dalkaasi ay sare u socdeen.

Messi oo ugu dambayntii ka soo dhalaalay heerka caalamiga ah

Waa ay iska caddayd sida ka muuqatay dabaaldegga Argentina ee uu udub dhexaadka u ahaa Messi in farriinta ay dirayaan ay aheyd in laacibkooda iyo qarankuba ay guul muhiim ah gaareen.

15 sanadood ka hor ayey aheyd markii ugu horraysay ee uu Messi dalkiisa Argentina ku matelo heer caalami ah, isagoo ka qeyb qaatay 4 Koob oo Adduunka ah iyo lix koobka Copa America ah, halkaas oo uu ku dheelay 53 ciyaaro, ugu dambaynna waxa uu ku guulaystay koobkii ugu horreeyay ee caalami ah.

Walow uu ka mid yahay ciyaartoyda ugu koob qaadista badan ugu xirfadda badan waqtigan la joogo ama xitaa guud ahaan ciyaaraha kubadda cagta, isagoo Messi uu ku guulaystay 10 La Liga-ha Spain ah, afar Champions League iyo lix billada laacibka adduunka ee Ballon D’Or ah, ayaa waxa ay su’aal ka taagneyd sida uusan saamayn ugu lahayn heerka caalamiga ah arrintaas oo saamayn ku laheyd taariikhdiisa.

Dadka qaar ayaa laga yaabaa inay ku doodaan in ciyaarahanka uu bannaanka soo dhigay sida uu u yahay halyey wayn, ayaa haddana ka sokow waxa uu u qabtay xulkiisa Argentina, taariikhdiisa waxa sare u soo qaadaysa koobka wayn ee uu dalkiisa u qaaday.

Dhowr jeer ooh ore ayuu ciyaaryahankan ku guuldarraystay inuu xulkiisa koob wayn u qaado oo mar ayuuba shaaciyay inuu ciyaaraha caalamiga ah ka fariistay walow uu markii dambe go’aankaas ka laabtay, arrintaas oo ku timid markii uu ku guuldarraystay fiinaalkii Copa America ee 2016, markaas oo markii saddexaad ee guuldarra ah u aheyd, arrintaas oo sidoo kale timid laba sanadood uun kaddib markii loogaga guulaystay fiinaalka Koobkii Adduunka ee 2014.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post