1302 Views

Heshiis rasmi ah oo laga gaaray xiisadii degmada Kaxda

Heshiis rasmi ah oo laga gaaray xiisadii degmada Kaxda
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 19, 2019–Waxaa heshiis rasmi ah laga gaaray xiisad dagaal iyo dilal aanooyin qabiil salka ku haayay oo dhawaan ka dhacay degmada Kaxda ee Gobolkaan Banaadir.

 

Shir ka dhacay degmada Kaxda oo ay isugu yimaadeen Odayaasha & Waxgaradka beelaha xiisada u dhaxeysay iyo Maamulka degmada ayaa lagu gaaray heshiis rasmi ah oo ku saabsan in xiisada iyo dilalka la joojiyo.

 

 

 

Nabadoon Cabduqaadir Cabdullaahi oo kamid ah waxgaradkii kulanka ka qeyb-galay ayaa sheegay in heshiiska ay kamid ahaayeen in xabada la joojiyo,wadooyinka iyo Ganacsiga la isku furo iyo cid alaala cidii mar dambe qaada qorsho ka dhan ah amniga tallaabo laga qaado.

 

Waxaa uu sidoo kale sheegay in lagu heshiiyey in la diyaariyo Ciidamo amniga suga sidoo kale la magacaabo guddi kormeer ku sameeya dhaqan galka heshiiska iyo dhibaatooyinkii dhacay.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho 

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment