798 Views

Madaxweynaha Galmudug oo kormeeray Talisyada ciidamada qalabka sida

Madaxweynaha Galmudug oo kormeeray Talisyada ciidamada qalabka sida
____________________________________________________________________________

 

Talaado: May 24, 2022

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa kormeer ku tagay Talisyada ciidamada kala duwan ee qalabka sida.

Kormeerka Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa ku wehlinayay Wasiiro ka tirsan Xukuumadda Galmudug, saraakiisha ciidamada qalabka sida, Guddoomiyaha Gobolka Galgaduud iyo maamulka degmada Dhuusamarreeb.

Mudane Axmed Cabdi Kaariye oo la hadlayay ciidamada qalabka sida ayaa ku bogaadiyay guulihii dhawaan ay ka soo hoyeen howlgalkii xasilinta Caasimadda iyo deegaannada hoos taga, isagoo ku dhiirigeliyay ciidamada kala duwan inay sii joogteeyaan sida naf hurnimada leh oo ay waajibkooda u gutaan oo ah difaaca nafta iyo sharafka shacabka reer Galmudug..

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post