1128 Views

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo lagu wado in maalmaha soo socda uu gaaro Garoowe.

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo lagu wado in maalmaha soo socda uu gaaro Garoowe.
____________________________________________________________________________

Khamiis: November 11, 2021

Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe oo haatan ku sugan magaalada Nairobi ayaa lagu wadaa in uu maalmaha soo socda safar aan la sii shaacin ku yimaado caasimadda Puntland ee Garoowe.

Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubaland ayaa sida wararku sheegayaan Garoowe ku yeelan doono shir gaar ah oo ku saabsan doorashada Aqalka hoose ee Baarlamanka Soomaaliya.

Siciid Deni iyo Axmed Madoobe ayaa markii hore qorsheeyay in ay Nairobi ku kulmaan balse madaxweyne Deni ayaa safarkaas ka baaqday.

Sidoo kale Ra’iisul wasaare Rooble ayaa isna la filayaa in uu Puntland yimaado Sabtida soo socota si uu kormeer ugu sameeyo xarumaha loo qorsheeyay doorashada Aqalka hoose.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post