615 Views

Abe ahmed oo sheegay inuu qoran karo hal milyan oo dagaal-yahano

____________________________________________________________________________

.

Talaado: july 6 2021

Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Abiy Ahmed ayaa sheegay in dowladdiisa ay si fudud ku qoran karto hal milyan oo dagaal-yahano balse ay dooneyso inay dhiiri-geliso muddo “aamusnaan ah” oo ka hirgasha gobolka dagaalladi ay halakeeyen ee Tigray.

Hadallada Abiy ayaa yimid toddobaad kadib markii magaalada Mekelle ee caasimadda Tigray ay u gacan gashay jabhadda Tigray ee TDF xilli dowladdiisa ay ku dhowaaqday xabad-joojin hal dhinac ah.

TDF ayaa qabsashada Mekelle ku qeexday guul militari oo weyn, hase yeeshee Abiy iyo saraakiishiisa ayaa ku qeexay ka bixitaanka magaalada “xeelad”.

“Hal, laba ama saddex toddobaad gudahood, 100,000 oo ciidamo gaar ah, tababaran, islamarkaana abaabulan ayaa la isku keeni karaa,” ayuu Abiy u sheegay xildhibaanada baarlamanka.

“Haddii la yiraahdo ciidamada gaarka ah kuma filna, haddii maleeshiyo loo baahdo, bil ama laba bil gudahood waxaa lagu abaabuli karaa hal milyan oo maleeshiyo.”

Hase yeeshee Abiy ayaa sheegay in saraakiisha “ay go’aansadeen in la helo muddo aamusnaan ah, si qof walba u fakaro.”

Saraakiisha Tigray-ga ayaa Axaddii jawaab rasmi ah ka bixiyey baaqa xabad-joojin ee Abiy, waxayna sheegeen inay aqbali doonaan kaliya haddii ciidamada Eritrea iyo kuwa Amxaarada ay ka baxaan gobolka.

Waxay sidoo kale ku baaqeen hanaan lagula xisaabtamayo Abiy iyo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki “waxyeeladii” ay geysteen intii uu dagaalka socday.

Waxa uu sheegay in TDF ay dhul ku qabsadeen kaliya sabab ah in ciidamada dowladda ay go’aansadeen inay ka baxaan, taasi oo uu sheegay inay socotay muddo bil ah.

Waxa uu sidoo kale ammaan buuxda u jeediyey ciidamada.

“Ciidamadeena difaaca ma qaataan mushahar ku filan. Waxay kor u koraan oo ay kasoo degaan buuro. Roob iyo qorax ay ugu dagaalamaan sharafta dalkooda.”

AFP

.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post