792 Views

Shirka Madasha Aragti wadaagga oo maanta ka furmaya Magaalada Garoowe.

Shirka Madasha Aragti wadaagga oo maanta ka furmaya Magaalada Garoowe.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | December 30, 2020 –MMagaalada Garoowe Xarunta DG Puntland waxaa maanta ka furmaya shirka Aragti wadaagga oo qorshihiisu ahaa in uu bilawdo 29-ka December 2020 oo ahayd ku beegneed balse u baaqday sabab farsamo.

Mas’uuliyiinta Machadka Heritage & Dowlad Goboleedka Martigelinaya ee Puntland ayaa go’aamiyay in la badalo dhismaha lagu qabanayo kulanka, maadaama xaruntii horay loo qorsheeyay ay ku yaraatay ka qaybgalayaasha sida Mustaqbal ay u xaqiijiyeen ilo xog ogaal ah.

Saacadihii lasoo dhaafay oo ay kulamo & kormeer ku jireen mas’uuliyiinta DG Puntland & maamulka Machadda Heritage waxa ay qiimeeyeen liiska ka qaybgalayaasha iyo goobta ku habboon in gogosha la dhigo.

Qorshaha hore ee Shirka ayaa ahaa in uu socdo 29-ka, 30-ka & 31-ka December 2020, balse lama shaacin in maalinta 1-aad ee Sanadka 2021-ka lagu dari doono, maadaama shalay uu dib u dhacay furmashada iyo in lagu soo gunnaanadayo maanta & berri oo ah dhammaadka 2020.

Ajendaha shirka ayaa ah sidii looga tashan lahaa qaabka Soomaaliya ay uga dhici karto Doorasho dadweyne 2025-ka, wax ka qabashada guuldarooyinkii sababay in aysan qabsoomin Doorashadaas oo qorshooyinkii hore ahaa 2016-ka & 2020.

Ka qaybgalayaasha ayaa la xog dhageysanayaa si loo uruuriyo macluumaadka la xiriira guuldarrada sababtay in dalka ay ka dhici wayso Doorasho Dadweyne, habka looga gudbi karo, caqabadaha kale ee dhalan karo & Xalkooda.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post