723 Views

Booliiska Soomaaliya oo iska fogeeyey eedayn uu u jeediyey guddoomiye Dhabancad

Booliiska Soomaaliya oo iska fogeeyey eedayn uu u jeediyey guddoomiye Dhabancad
____________________________________________________________________________


Talaado: April 26, 2022

 Boolliska Soomaaliya ayaa iska fogeeyey eedaymo uu soo jeediyey guddoomiyaha kumeel-gaarka ah ee Aqalka Hoose ee baarlamaanka Soomaaliya oo ku aaddanaa is booliisku ay shalay weerar ku soo qaadeen.

Afhayeenka booliiska Soomaaliya oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in booliisku aanay wax weerar ah ku qaadin guddoomiye Dhabancad balse ay soo qab-qabteen rag uu sheegay in rasaas rideen.

Afhayeenka ayaa intaas ku daray in raggaas rasaasta riday ay hatan ku jiraan gacanta booliiska isla markaana sharciga lala tiigsan doono.

Guddoomiye Dhabancad ayaa goor sii horraysay taliyaha booliiska Soomaaliya ku eedeeyey in uu masuul ka ahaa weerar uu sheegay in naftiiska “halis” lagu geliyey.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post