855 Views

Madaxda dowladda oo ka hadlay geerida gudoomiyihii Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka

Madaxda dowladda oo ka hadlay geerida gudoomiyihii Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka
____________________________________________________________________________

Moqdisho,August 14, 2021 —Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane, Maxamed Xuseen Rooble, ayaa Tacsi udiray qoyskii, asxaabtii iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed ee ka baxay Guddoomiyihii Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka oo caawa muqdisho ku geeriyooday.

“Naxariistii Janno Allaha siiyo Guddoomiyihii Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashooyinka ee Dalka marxuum Cabdullaahi Abyan Nuur oo Muqdisho ku geeriyooday.

Waxaan uga tacsiyeynayaa qoyskiisa, asxaabtiisii iyo guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed. Sabar iyo Iimaan Allaha naga wada siiyo, marxuumkana Jannadii Firdows Eebbe ha ugu deeqo”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane, Maxamed Xuseen Rooble

Xafiiska Qaranimo Online | Muqdish

____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post