1146 Views

Rag hubeysan & Askari baxsad ahaa oo Muqdisho lagu qabtay

Rag hubeysan & Askari baxsad ahaa oo Muqdisho lagu qabtay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 08, 2019 —Xalay waxaa Magalada Muqdisho ka qabsoomay kulanka Amniga Caasimadda oo ay yeeshaan Maamulka Gobolka Banaadir iyo Saraakiisha Ciidamada,waxana looga hadlay Amniga Caasimadda iyo howlgalladii ugu dambeeyay ee laga sameeyay Magalada Muqdisho.

 

Saraakiisha hay’daha Amniga ayaa shirka kusoo bandhigay in la soo qabtay Maleeshiyaad dhib ku hayey shacabka degmooyinka Wadajir, Hodan iyo Dharkenley.

 

Sidoo kale Ciidamada amniga ayaa Gacanta ku dhigay askari baxsad ka ahaa Ciidamada,kaas oo maamulka gobolka baandir uu sheegay in uu ku dhuumanayay Hoyga siyaasi la yaqaano balse aysan shaacin Magaciisa.

 

Guddoomiye Yariisow ayaa warbixino la xiriira Amniga waxaa uu ka dhageystay saraakiil ka tirsan ciidamada Booliska Soomaaliya,kuwaas oo sheegay in howlgallo ay weli ka socdaan degmooyin ka tirsan Gobolkan Banaadir si amniga loo xaqiijiyo.

 

Shirka Amniga Caasimadda ayaa todobaad walba waxaa lagu qabtaa Magalada Muqdisho,waxaana inta badan doorda lagu saaraa dhinaca Amniga,sidoo kalena warbixino looga dhageystaa saraakiisha ciidamada ku jira howlgallada.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

 

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment