678 Views

Cali Jeesto oo diiday Kursiga Guddiga xalinta khilaafaadka u ansixiyeen Yaasiin Fareey

Cali Jeesto oo diiday Kursiga Guddiga xalinta khilaafaadka u ansixiyeen Yaasiin Fareey
____________________________________________________________________________

Muqisho |QOLI Khamiis : December 15, 2021—Nabadoon Cali Xasan Cali (Jeesto) oo sheegay in uu yahay Nabaddoonka Guud ee  Beelaha Marooyin Waceysle ayaa kasoo horjeestay go’aankii Guddiga xalinta khilaafaadka uu ku ansixiyay kursiga HOP67 ee dhawaan loo doortay Taliyaha KMG ah ee Hay’adda NISA  Yaasiin Fareey.

Qoraal uuu diray guddiyada, doorashooyinka Heer Federaal, Heer dowlad Goboleed ee Galmudug, Golaha wadatashiga Waran & QM ayuu Nabadoonka ku caddeeyay in aanay aqbali doonin gefka Guddiga ka soo baxay, sidoo kalena Dowlad Goboleedka Galmudug aysan xaq u laheyn inuu soo magacaabo oday dhaqameed aan jirin ee loo sameystay in lagu boobo doorashada.

Sidoo kale wuxuu sheegay in la qariyay oo aan la baahan dhamaan cadeymihii ay soo gudbiyeen Beelaha Marooyin, kuwaas oo muujinayay in  Nabaddoon  Cali Xasan Cali (Jeesto) uu yahay Nabaddoonka Beelaha Marooyin ee leh saxiixa.

” 27/11/2021 Waxay beeshu gaarsisay guddiga dhammaan dukumentiyadii, aqoonsiyadii

iyo caddaymihii muujinayay in nabadoon Cali Xassan Cali (Cali Jeesto) yahay nabadoonka

guud ee Marooyin kaas oo beesha ku matalayay dhamaan marxaladihii uu soo maray maamul-gobaleedka Galmudug iyo in sidoo kale 01/12/2021 guddiga xaruntooda ku soo booqday dhammaan nabaddoonada soo jireenka ah ee beelaha Marooyin oo uu hor kacayay Nabadoon Cali Xassan Cali kuwaas

oo u cadeeyay guddiga in nabaddoonka guud ee beesha iyo saxixaha uu yahay Nabaddoon Cali Xassan Cali iyagoo guddigu muujiyay in ay ku qanceen.

Isla gelinkii dambe ee 01/12/2021 waxaa shir jaraa’id Magaalada Muqdishu ku qabtay

Imaamka Beelaha Mudulood gaar ahaan Abgaal, Imaam Maxamed Yuusuf kaas oo si aad

u qeexan u caddeeyay in nabaddoonka guud ee beelaha Marooyin yahay Cali Xassan

Cali, waxaa sidoo kale caddeeyeen Ugaaska Abgaal iyo Gudoomiyaha Golaha Dhaqanka

Beelaha Wacaysle taas oo laga heli karo inta badan kaydka TV-yada Soomaaliyeed.

04/12/2021 Waxaa shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdishu xildhibaanka Beelaha

Marooyin ku metela Maamulka Galmudug Xil Macalin Mukhtaar Macalin Cabdullaahi.

14/12/2021 Waxaa gudiga la kulmay Gudoomiyaha Golaha Dhaqanka Beelaha Wacaysle

Maxamed Cabdi Shido kaas oo u caddeeyay guddiga in Cali Xassan Cali yahay nabaddoonka beelaha Marooyin, isla markaana ay wada saxiixeen doorashadi baarlamaanka ee sanadkii 2012 iyo tii sanadkii 2016 ee Xildhibaanka Baarlamaanka Golaha Shacabka ku metelayay beelaha Marooyin Mudane Cabdulahi Cali Axmed

(Cadow Cali Gees)

” Sidaas darteed, waxaa la yaab nagu noqotay in iyadoo ay jiraan dhammaan caddaymaha kor ku

xusan in gudigu uu maanta soo saaray go’aan aad u khilaafsan cadaaladda iyo hufnaanta

doorashada isla markaana taageeraya boobka iyo ku takrifalka awooda doorashada Hadaba, waxaan halkan ku muujineynaa arimaha soo socda:

1. In Maamulka Galmudug uusan xaq u lahayn in uu beelaha Marooyin u soo magacaabo

oday dhaqamaeedyo aan jirin ee loo samystay in lagu boobo doorashada isla markaana aan ka tirsanayn dhaqanka beesha.

2. Waxaan cadaynayaa in beesha Marooyin ayan aqbali doonin go’aanka gefka ku ah ee ka

soo baxay gudiga Xalinta khilaafaadka doorashooyinka dadban shalay oo bishu

15/12/2021.

3. Ugu dambeyn waxay Beelaha Marooyin cadaynayaan in aysan aqoonsan doonin

doorasho ku sheegii boobka aheyd ee kursiga HOP#067 ee 25/11/2021.

4. Waxaanu ka codsanaynaa Raisul Wasaaraha Xukuumadda fedraalka ah ee Soomaaliya in

uu qaato doorkiisa hogaamineed ee doorashad kana hor tago boobka qaawan ee lagu hayo hanaanka doorashada gaar ahaan kuraasta ay doodu ka taagneyd.

Xafiiska Qaranimo Online |Mogdishu

_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post