912 Views

Ciidanka xoogga dalka oo howlgal qorsheysan sameeyay

Ciidanka xoogga dalka oo howlgal qorsheysan sameeyay
____________________________________________________________________________

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan Ururka 64aad ee Guutada 7-aad ayaa Howlgal qorsheysan ka fuliyey tuulooyin hoostaga degmada Walanweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose, halkaas oo maalmihii la soo dhaafay ay kajireen dbibaayooyin kala duwan.

Ciidamada ayaa sigaar ah howlgalka uga fuliyay degaannada kala ah Warta bula caday , warmuse, dhiktaray, garfale oo hoostaga degmada walaweyn ee gobolka Shabellaha hoose, iyada oo degaannadaas ay mararka qaar weeraro ka fuliyaan Xubno katirsan Al-Shabaab.

Taliyaha Ururka 64aad ee Guutada 7aad Ciidanka xoogga Dalka Cali Cabdullaahi Halac oo Howlgalka hogaaminayey ayaa sheegay in Ciidanka Xoogga dalka ay bur buriyeen Saldhigyada Al-Shabaab ay ku lahayeen tuulooyinkaas.

Sidoo kale wuxuu sheegay in howlgalka lagu dilay dagaalamayaal ka tirsan Ururka Al-Sbabaab, kuwaas oo ku sugnaa degaannada howlgalka laga sameeyay.

Dhawaan Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Maamulka degmada Walanweyn ayaa waxaa degaano hoostaga degmadaas ay ka sameeyeen howlgal lagu soo qabtay Koox Burcad ah oo dhac u geeysanayay Dad Shacabka ah.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post