2307 Views

Maxay ka wada hadleen Madaxweynaha Puntland iyo Safiirka Jabuuti?

Maxay ka wada hadleen Madaxweynaha Puntland iyo Safiirka Jabuuti?
____________________________________________________________________________

Muqdisho, 30da Maarso, 2021–Madaxweynaha Dowlad Goboleedka  Puntland  Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Magaalada Muqdisho kulan kula qaatay Safiirka Dalka Jabuuti ee Soomaaliya Danjire Aadan Xasan Aadan.

Madaxweynaha iyo Danjire Aadan Waxay ka wada hadleen guud ahaan  xaaladda dalku marayo gaar ahaan arrimaha Doorashada Soomaaliya oo weli muran uu ka taagan yahay.

Safiirka Dalka Jabuuti ee Soomaaliya Danjire Aadan Xasan Aadan ayaa sheegay in dowladda Jabuuti ay garab taagan tahay dowladda Soomaaliya, isla markaana ay kala Shaqeneyso sugida Amniga iyo arrimaha doorashooyinka.

Dowladda Jabuuti ayaa waxaa ay kamid tahay dowladaha taageera Soomaaliya, waxaana Ciidamo farabadan oo ku howlgalla Magaca AMISOM ay ka joogaan degmooyin ka tirsan Gobolka Hiiraan.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post