1656 Views

Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax dhigay dhismaha Xarunta Oktoobar

Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo dhagax dhigay dhismaha Xarunta Oktoobar
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | 21 Maarso, 2019 – Kusimaha Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa manta dhagax dhigay Xarunta Waaxda Oktoobar ee Degmada Waaberi.

Guddoomiyaha oo munaasabadda hadal kooban ka jeediyey ayaa ku ammaanay bulshada degmada Waaberi isku duubnida iyo is-garab istaagga ay ku tilmaaman yihiin, iyagoona hormuud u ah dadaallada nabadda iyo isdhexgalka Gobolka Banaadir.

Guddoomiye Xuseen ayaa soo bandhigay guulaha laga gaaray barnaamijka daadejinta Maamulka oo masuuliyiinta Gobolku ay dadaal badan geliyeen, iyadoona adeegyadii asaasiga ah ee maamul haatan la gaaarsiiyey inta badan degmooyinka Gobolka.

Sidoo kale, munaasabadda dhagax dhigga waxaa ka soo qeyb galay Guddoomiye Kuxigeenka Arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir Marwo Basmo Caamir Axmed Guddoomiyaha Degmada Waaberi Mudane Mahad Cilmi Cali iyo hormuud qeybaha bulshada ee degmada.

Dadka ku nool degmada Waaberi ayaa soo dhaweeyey dhagax dhigga Xarunta Waaxda Oktoobar waxa ayna tilmaameen in hirgelinteedu ay xoojinayso isdhexgalka bulshada, darsieynta iyo amniga.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment