774 Views

Tababar socon doono muddo Seddex maalin ah oo Muqdisho laga furay

Tababar socon doono muddo Seddex maalin ah oo Muqdisho laga furay
____________________________________________________________________________

Isniin:June 13, 2022

Xafiiska Xalka Waara ee Wasaaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo kaashanaya, Wasaaradda Gargaarka,Maareynta iyo Masiibooyinka iyo Urur gobaleedka IGAD ayaa maantay si wada jira ah u daah-furay tababar ku saabsan, habka Khariidadayn loogu sameyn lahaa, Adeegyada Aas-aasiga ah ee dhaqan dhaqaale ay u baahan yihiin, dadka barakacayaasha ah iyo qaxootiga soo guryo-noqday ee ku sugan qaar ka mid ah Maamul Goboleedyada dalka iyo Gobalka Banaadir.

Tababarkan oo socon doono, muddo shan maalmood waxaa ka faa’iideysanaaya, ku dhowaad 30 shaqaale oo la barayo, habka khariidadaynta loogu sameyn lahaa, dhulka ay ku nool yihiin dadka barakacayaasha ah iyo qaxootiga soo gurya noqday, adeegyada ay haystaan iyo kuwa aysan awooddin xiligan, dadka nugal ee ku nool xeryaha barakacayaasha  ah.

Agaasimaha Xalka Waara, Kormeerka iyo Qiimeynta ee Wasaarada Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Zahra Cabdi Maxamed oo furtay Tababarka ayaa ka warbixisay, muhiimada Nidaamaka macluumadka Khariidadayn (GIS).

“U jeedadda xogtan Nidaamka macluumadka khariidaynta (GIS) waxey tahay xaqiiqooyinka ay ku sugan yahiin dadka barakaca ah iyo qaxootiga in aan ogaano adeegyada ay haystaan sida Biyaha, Caafimaadka, Waxbarashada, Caddaalada, Tamarta iyo Waddooyinka.Iyada oo tallabaadan marka laga gun-gaaro, waxay fududeeyn doontaa in Maalgashiga iyo mashaariic wax gal ah la-helo, si wax looga qabto ama maalgelin loo raadiyo” ayey tiri Marwo Zahra Cabdi.

Istaraajiyadda Qaran ee Xalka Waara oo laf-dhabar u ah, wax ka qabashada mushaakilaadka barakacayaasha iyo qaxootiga soo guryo-noqday ay ku cad yahiin mudnanta kala duwan ee xal-u-helida arrimahan kor ku xusan

. Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post