747 Views

Madaxweyne Deni” Xalka doorashada wuxuu kujiraa in loo caqli celiyo Farmaajo”

Madaxweyne Deni” Xalka doorashada wuxuu kujiraa in loo caqli celiyo Farmaajo”
____________________________________________________________________________


Muqdisho, April 08, 2021
–Madaxweynaha dowlad Gobleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa ka hadlay fashilka ku yimid shirkii Afisiyooni, isaga oo mas’uuliyadisa ku eedeeyay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Deni oo Wareysi siiyay Idaacadda Voa-da waxaa uu sheegay in shirka Jaraa’id ee Wasiirka Warfaafinta Soomaliya Cusmaan Abuukar Dubbe uu ahaa mid horay loo duubay, isla markaana loo qorrsheeyay in dadka lagu marin habaabiyo.

Waxaa uu hadalkiisa uu intaasi ku daray Madaxweynaha Puntland in shirka intii uu socday la isku mari waayay Ajandaha, balse ay codsadeen in wadatashi la isugu laabto, hayeeshee ay arkeen qoraalka iyo Muuqaalka wasiir Dubbe horay u duubay oo la baahiyay.

“Waxaa layaab leh maanta oo dhan waa shireynay, dhowr maalmood ka horna waa shireynay waxaase cadaatay qoraalka iyo muuqaalka ay sii deysay dowladda uu ahaa mid horay u diyaarsanaa, Wasiirka [Dubbe] maanta hadlay dabcan wuu nala joogay  dharka uu watay iyo kii codka ku qabtay kii uu watay maaha, wax sii diyaarsanaa oo loogu tala galay in ummadda Soomaaliyeed lagu marin habaabiyo, ayuu yiri” Madaxweyne Deni.

Hadalka Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa uu kusoo aaday xilli Xukuumadda Soomaaliya ay sheegtay in Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland ay fashiliyeen Shirka, isla markaana ay diideen in dalka ka dhacdo doorasho loo dhan yahay.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post