768 Views

Xildhibaanad Sareedo Maxamed oo markale lagu doortay Baydhabo

Xildhibaanad Sareedo Maxamed oo markale lagu doortay Baydhabo
____________________________________________________________________________

Khamiis: April 21, 2022

Dooraahada Kursiga HOP#154 waxaa markale loo doortay Xildhibaanad Sareedo Maxamed Cabdalla taas oo hore ugu fadhisay kursigaas, kadib doorashada ka dhacday Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobolka Baay.

Guddiga maamulka Doorashada Koofur Galbeed ayaa maanta qabtay doorashada kursigaan, waxaana doorashada kursigaan ay timid kadib markii guddiga FEIT ay ku dhawaaqeyn in doorashadiisa ay tahay ku celis.

Sidoo kale Xildhibaanad Sareedo guusha ay ka gaartay tartanka doorashada kursiga HOP#154 ayaa timid kadib markii ay u tanaasushay Nasteexo Maxamed Yuusuf oo ahayd musharixii kula tartami lahaa sida ay shaaciyeen guddiga doorashada Koofur Galbeed Soomaaliya.

Xildhibaanad Sareedo ayaa markii hore loo badinayay inay kusoo baxdo doorashada kursiga HOP#154, balse kursigaan ayaa ka mid ah kuraaas saddex ah oo Koofur Galbeed lagu wargeliyay inay ku Caliyaan doorashadooda, balse labo ka mid ah ayaa xal laga gaaray kadib markii Maamulkaas uu shaaciyay in wada shaqeyntii Guddiga FEIT iyo Xafiiska Rooble ay xiriirka u jareen

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post