750 Views

Maamulka Hotelka Sarova Stanley oo beeniyay in madaxweynaha Puntland uu iibsaday hotelkooda

Maamulka Hotelka Sarova Stanley oo  beeniyay in madaxweynaha Puntland uu iibsaday hotelkooda
____________________________________________________________________________

Talaado: july 6 2021

Hoteelka Sarova Stanley ayaa beeniyay wararka sheegayay in madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdillahi Deni uu iibsaday huteelkooda ku yaala caasimadda dalka Kenya ee Nairobi..

Qoraal ay bartooda twitter-ka soo dhigeen ayey ku sheegeen in ay shacabka uga digayaan wararka been abuurkaah ee la xiriira in “huteelkeena Nairobi uu iibsaday ganacsade ka soo jeeda Soomaaliya.”

Maamulka Puntland ayaa horay u beeniyay arrintan oo aad loogu hadal hayay baraha bulshada kaddib markii wargaysyada dalka Kenya ay qoreen warbixin ay ku sheegeen in madaxweyne Deni uu iibsaday huteelka Sarova Stanley qaybtiisa magaalada Nairobi.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post