378 Views

Maxay tahay ujeedka Wafdiga ka socda dowladda Turkiga u tageen Baydhabo?

Maxay tahay ujeedka Wafdiga ka socda dowladda Turkiga u tageen Baydhabo?
____________________________________________________________________________

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa Maanta xarunta Madaxtooyadda ee Magaalada Bayduabo ku qaabilay wafdi ka socday Dowladda Turkia.

Wafdiga ayaa Magaalada Baydhabo u tegay sidii gargaar ay u gaarsiin lahaayeen dadka danta yar ee ku nool Magaaladda Baydhabo iyo kuwa kale ee abaarta kasoo barakacay.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa uga mahad celiyay dowladda Turkiga sida ay ugu soo gurmatay Shacabka Soomaaliyeed, isaga oo ugu baaqay inay korrhiyaan.

Dowladda Turkiga ayaa kamid ah dowladaha sida weyn u taageera Soomaaliya, waxaana dhowr jeer ay u soo gurmatay Shacabka Soomaaliyeed oo abaar heysatay.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post