993 Views

Duqa Muqdisho oo Dhagax dhigay Suuq ku burburay dagaalladii dalka ka dhacay

Duqa Muqdisho oo Dhagax dhigay Suuq ku burburay dagaalladii dalka ka dhacay
____________________________________________________________________________

Mogadisho  –January 04, 2020—Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa dhagax dhigay Suuqa Dayax ee degmada Hiliwaa oo lagu iibin jiray xoolaha nool.

 

Dhagax dhiga kadib ayaa gudoomiyaha waxa uu kormeeray qeybaha uu suuqaani ku fadhiyo oo ah dhulbaaxad weyn waxaana horey lagu iibin jiray xoolaha kala duwan inkastoo uu qeyb ka noqday goobihii danta guud ee ku burburay qalalaasihii dalka ka dhacay.

 

 

 

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa kula dardaarmay bulshada in ay ilaas shadaan goobaha danta guud ee muhiimka u ah adeegyada aas aasiga ah.

 

Dhanka kale waxa uu duqa magaalada Muqdisho sheegay in xoolaha lagu iibiyo qeybaha kala duwan ee magaalada ay qabad kuyihiin bilicda Caasimadda iyo isku socod keeda sidaas darteedna marka la hirgaliyo Suuqa Dayax kadib waxa uu maamulka mammuuci doonaa in meel aheyn Suuqani aan lagu iibin doonin xoolaha.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

__________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment