315 Views

Shaqaalaha Wasaaradda Beeraha Oo Olole Isxilqaan Ah Ka fuliyay Xarunta Dhexe ee Wasaaradda

Shaqaalaha Wasaaradda Beeraha Oo Olole Isxilqaan Ah Ka fuliyay Xarunta Dhexe ee Wasaaradda
____________________________________________________________________________

Isniin: September 26, 2022

Mas’uuliyiinta iyo Shaqaalaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo maanta Olole Isxilqaan ah  ka fuliyay xarunta dhexe ee Wasaaradda.Si loo ilaaliyo Bilicda Wasaaradda loona dhowro Deegaanka, ayaa Olole nadaafadeedkaa oo uu hoggaaminayey Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Ahmed Madoobe Nuunow, waxaa maanta laga fuliyay qeybo kamid ah xarunta Wasaaradda.

Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xukuumadda Federaaka Soomaaliya Asad Cabdirisaaq Maxamed, ayaa “Waxaan joogtayn doona ololahaan oo kale si loo ilaaliyo bilicda Wasaaradda Ayuu yiri “ Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Beeraha Asad Cabdirisaaq Maxamed.

Ololahaan oo ay sidoo kale ka qeybgaleyn Agaasime waaxeedyada Wasaaradda iyo Qeybaha kala duwan ee shaqaalaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya, ayaa Qashin badan looga qaaday gooba kala duwan oo Wasaaradda ka tirsan, Waxaana qashinka oo lagu uruuriyay goob gaara lagu daabuli doonaa gawaari ay ugu talogashay Wasaaradda si loo fogeeyo.

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Soomaaliya Mudane Axmed Madoobe Nuunow “ Waxaan idinkaga mahadcelinayaa sidaad isku xilqaanteen oo aad diyaar ugu soo noqoteen ilaalinta bilacda Wasaaradda oo ah meesha aan ka shaqo galayno” Ayuu yiri Wasiirka Wasaaradda Beeraha Mudane Axmed Madoobe Nuunow.

“ Sidookale waxaan rabnaa inaan doog ku abbuurno dhammaan,gidaarada Wasaaradda”

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post