138 Views

Xaalka Soomaaliya ee maanta iyo xiisadda gobolka oo si weyn looga deyriyay

Xaalka Soomaaliya ee maanta iyo xiisadda gobolka oo si weyn looga deyriyay
____________________________________________________________________________

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo haatan ah ergayga gaarka ah ee madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan arrimaha bani’aadanimada ayaa si weyn uga deyriyay xaalka Soomaaliya ee maanta iyo xiisadda ka taagan gobolka iyo guud ahaan dunida.

Cabdiraxmaan ayaa sheegay in dadkeenii qabiil iyo deegaan ay qoorta iskula jiraan, halka siyaasiyiintiina ay dano yaryar wada eryanayaan, sida uu hadalka u dhigay.

“Dhallinyaradii waxay iska dhaadhiciyeen in ayan wax teri karin, halka aqoon-yahankii, culimadii iyo ganacsatadii ay xaydaabkooda ka soo tilaabi la’yihiin,” ayuu Cabdiraxmaan ku yiri qoraal uu soo saaray.

Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay in dunida ay ku socoto tabartaada ku tasho, haddii aynaan isdaba qabana, nala qaybsan doono ama nala qalan mar kale.

Hoos ka aqriso qoraalka oo dhameystiran;

Marinka Baabul Mandab oo 12% ganacsiga adduunka maro ayey Xuutiyuuntu doonayaan in ay xiraan, halka Maraykan iyo xulufadiisa isku soo gaashaan-buuraysanayaan in ay ka hortagaan.

Masar iyo Itoobiya ayaa ku kala booday heshiis ay ka gaari lahaayeen sida loo maaraynayo Biyaha Wejiga Niilka iyo Biya Xireenka Al-nahda (Renaissance Dam), iyadoo ay Masar sheegtay in ay isdifaacayso.

Itoobiya ayaa qudheeda ku goodiyeysa in ay lama huraan tahay in ay bad hesho, waxkasta oo ay ugu kacdaba.

Labo dagaal oo midkood Bariga Dhexe ka socdo kan kalana Yurub ka aloosan yahayna way taagan yihiin.

Loolaankii awoodaha dunida si xawli ah ayuu ku socda, Maraykan iyo Yurub oo isku dhinac ah, Shiinaha iyo Ruushka oo dhanka kale ah, iyadoo dawladaha miisaanka dhexe lehna isku diyaarinayaan in ay ku gorgortamaan dheelitirka ama dhinac istaagga labada midkood.

Waa laba kala fog xaalka maanta Soomaali ku sugan tahay iyo xiisadda gobolka iyo dunida ka taagan.

Dadkeenii qabiil iyo deegaan ayey qoorta iskula jiraan, siyaasiyiintiina dano yaryar ayey wada eryanayaan, dhallinyaradii waxay iska dhaadhiciyeen in ayan wax teri karin, halka aqoonyahankii, culimadii iyo ganacsatadii ay xaydaabkooda ka soo tilaabi la’yihiin.

Dunida waxay ku socotaa tabartaada ku tasho, haddii aynaan isdaba qaban, waa nala qaybsan ama nala qalan mar kale.

_________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post