1824 Views

Halkeey ku egtahay xudduuda xorriyadda hadalka.?

Halkeey ku egtahay xudduuda xorriyadda hadalka.?
____________________________________________________________________________

Khamiis, Abriil 16, 2020 [Qaranimo] Waxaa dhici karta in dadku ay fasiraad kala duwan ka bixiyaan macnaha “Xorriyadda hadalka” ama “Freedom of speech”. Waxaad is-waydiineysaa xorriyaddani ilaa intee ayeey ku egtahay.? Ma leedahayse xudduud.? Xorriyaddu, ma ii fasaxaysaa inaan wax waliba oo maskaxdayda ku soo dhaca aan qoro ama duubo.?

Xorriyaddu, ma waxay i leedahay qof kasta waxaad doontaad ka sheeg, xittaa waxaad ku eedeyn kartaa dambi kasta iyo jariimo kasta oo maskaxdaada ku soo dhacda, mana jirto cid kaaga baahan caddayn iyo marqaati.? Waxaan u malaynaa in aysan sidaasi sax ahayn, adduunka maanta jirana aanu sidaa ku shaqayn.

Baryahan waxaa baraha bulshada aad looga hadal hayaa saxafi Cabdicasiis Gurbiye oo ah Agaasime ku-xigeenka taleefishinka Goobjoog oo lagu soo eedeeyay qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebuuga, inuu yiri: Madaxweyne MCF wuxuu ka qaatay Isbitaalka Martiini mashiinkii neefta siinayey bukaanadda.

Saxaafaddu, waxay leedahay shuruuc qeexaysa waxa saxafigu xaq u leeyahay iyo waxa xaq loogu leeyahay. Ma jirto wax kaa reebaya inaad soo gudbiso dhacdo kasta oo aad u aragto in ay bulshada wax u iftiimineyso ama isbeddel horseedayso, waxaad wax ka qori kartaa Madaxweyne ilaa karaani.. waxaase waajib ah in xog walba ay noqoto mid raad-raac sax ah wadata, oo aadan dhagaha iyo caqliyada dadka ee kuu furan aadan si xun oo xil leh kaga faa’ideysan.

In Madaxweynaha lagu eedeeyo inuu qaatay adeeg bulshadu ay ku wada manaafacaadsan lahayd, haddii ay jirto waa gaf way oo aan garowshiiyo lahayn, haddii se saxafigu uu warkaasi meel cad ku furi waayo macnaheedu waxay tahay meel-ka dhac iyo ihaano uu u gaystay Madaxweynaha, mana ah mid lagaga dhuuman karo xorriyadda hadalka.

Madaxweynuhu, inkastoo maamuus gaar ah leeyahay, haddana waxba kama duwana muwaadin Soomaaliyeed oo ummadda laga soo dhex xulay, lana faray waajibaad iyo awaamiir ku xusan dastuurka, haddii uu ka leexdo shaqadii loo xilsaaray waxaad xaq u leedahay ama saxafi ahaaw ama siyaasi ahaaw inaad dabagal ku sameyso, bulshadana la wadaagto xogaha ka dahsoon, adigoo wax waliba oo aad soo bandhigayso ay noqonayaan run-biyo kama dhibcaan ah.

Waxaa mararka qaar anigu u arkaa in ay tahay nasiib darro dadkeena haysata, in aysan ogayn awoodda ay leeyihiin [shacab ahaan], iyo iyagu in ay yihiin dowladda dhabta ah, oo shaqsiyaadka madaxda ah iyo dhammaan xubnaha dowladda ay yihiin shaqaale loo igmaday in ay ummadda u qidmeeyaan, oo cid kasta ee ka leexata dariiqa howsha loo igmaday in ay meel kaga soo wada jeestaan, dowladdu marka ay dariiq sax ah haysanna ay u noqdaan garab iyo gaashaan, marka ay dariiqii saxda ahaa ka leexatana ay awooddoodu muujiyaan, inta shacabku wax kasta ku raali yahay xalku ma dhawa.

TALO ku socota, hay’adaha garsoorka.

Hay’adaha Garsoorka waxaa la gudboon maadaama Saxafi Cabdicasiis Gurbiye la soo eedeeyo, in aan lagu xadgudbin xaquuqdiisa. C/casiis waxa uu leeyahay xuquuq aasaasi ah, oo dastuurka ku qoran, hay’adaha garsoorka iyo cid walba ee arrintani ku lug leh, waa in ay dariiq sharci ah la maraan, taas oo ay ugu horreeyso:

Inaan loo gaysan jirdil, ciqaab iyo shafar dil.
In loo ogolaado inuu helo tasiilaadka uu xaqa u leeyahay.
In awoodda Dowladnimo aysan noqon mid iyada oo dhinac gaar ah loo daneynayo aan dhinac kale lagu dulmin [Taasi cuqubadeeda waa la soo arkay]
In aan loo aqoonsan in aanu ahayn dambiile ilaa ay maxkamaddi xukunto.

Cabdishakuur Cilmi Xassan

E-mail: shakuurcadde73@hotmail.com

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment